X

Moscow: Dagaalka Oo Sii Xoogaystay Iyo Qaramada Midoobay Oo Bidhaamisay  Calaamad Yar

Araweelo News Network.

Kyiv (ANN)-Dagaalka Ukraine ayaa sii xoogaysanaya, waxaase jirta xoogay rajo ah oo ay Ukraine iyo Moscow  ka muujiyeen inay danaynayaan sidii loo samayn lahaa aag ammaan ah oo ku wareegsan warshadda Nukliyeerka ee ugu weyn Yurub oo ku taal Ukraine, taas oo halis ugu jirto duqaymo tan iyo markii Ruushka uu ku duulay dalka Ukraine horaantii sannadkan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay Isniintii. In Hay’adda Caalamiga ah ee Quwadda Atoomikada (IAEA), ay laba khabiir oo ka tirsan warshadda Zaporizhzhia uga dhigeen korjoogayaan, tan iyo markii howlgalka halkaas laga sameeyay toddobaadkii u danbeeyay, waxayna ku baaqday IAEA in ay labada dhinac joojiyaan dagaalka ka socda xarunta.

“Waxa aan halkan uga baahanahay runtii waa Ukraine iyo Ruushka in ay ku heshiiyaan mabda’a aad u fudud oo ah in aan la weerarin ama aan la duqayn warshadda,” ayuu  yidhi, agaasimaha guud ee IAEA Rafael Grossi oo la hadlay warbaahinta.

  “run ahaantii waa ballan-qaad ah in aannay tallaabo millateri ku jirin ama ay ka dhigan tahay in dhinacyadu dabcan hiigsanayaan warshadda ama raadiyaha oo saameyn ku yeelan kara howlaheeda caadiga ah. Tani waa waxa aan filayno.”

Rafael Grossi, ayaa intaa ku daray in labada dhinac ee Kyiv iyo Moscow ay kala shaqaynayaan hay’adda arrinta oo ay weydiinayeen su’aalo badan oo la xidhiidha arrintaa.

Warka kasoo baxay Hay’adda Caalamiga ah ee IAEA, ayaa muujinaya calaamad yar oo walaaca iyo werwerka laga qabo xarunta Nukliyeerka ka muujinay rajo aan buurnayn, taas oo keentay inuu dad badan u ahaa war soo dhaweyn ah, maadamaa duqaymaha lagu garaacay agagaarka warshadda Zaporizhzhia ee uu Ruushka ka taliyo ay sare u qaadday cabsida laga qabo musiibo nukliyeer ah.

Sidoo kale, wuxuu warka kasoo baxay IAEA u muuqday mid ka hor imanaya hadal uu hore u yidhi afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov oo ahaa in aanay jirin wax qorshe ah oo xabbad joojin ah oo aaggaa Wershadda Nukliyeerka laga sameeyo.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post