X
    Categories: Warar

Mooshinka Madaxweynaha Somalia Oo Maxkamadda Sare Loo Gudbiyay Iyo Mudanayaasha Oo Ku Gacan-saydhay Dalab Uga Yimi Madaxweynaha

Muqdisho(ANN)Xiisada Mooshinka la doonayo in xilka lagaga xayuubiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sii xoogasatay, waxaana guuldaraystay qorshayaal Madaxweynuhu ku doonayay inuu ku baajiyo mooshinka ay wadaan xildhibaanada Somalia, kuwaas oo Maxkamadda Sare u gudbiyay mooshinka oo ay tirada xildhibaanadu kor u dhaaftay 150 Xldhibaan.

Xildhibaan Cabdulaahi Jaamac Xuseen oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ee saxeexay Mooshinka ayaa sheegay in sida uu qabo dastuurka Dalka Maxkamada sare ee Dalka suuragal ay tahay inay qaado kiisaska la xidhiidha Mooshinka Xil-gudasho la’aanta Waajibaadka Madaxda Dowladda Soomaaliya sidaa awgeed ay Maxkamadda Sare u gudbiyeen mooshinka.
Sidoo kale waxa uu sheegay in aanay jirin Caqabad gaar ah iyo cadaawad ka dhaxaysa Xildhibaanada saxeexay Mooshinka iyo Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, balse ay lagama maarmaan tahay wax walba oo nidaamka dawliga saamayn ku leh in loo raaco Distoorka Dalka.
Dhinaca kale Xildhibaanada Mooshinka dhanka ah Madaxweynaha Somalia gudbiyay, ayaa ku gacansaydhay qorshe Madaxweyne Xasan Sheekh kaga dalbaday inay kula kulmaan, isagoo ujeedadiisu ahayd in la baabiiyo mooshinkaa, waxaana sii kordhay tirada xildhibaanada taageersan mooshinkaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulamo la yeeshay markaa kaddib shir gudoonka Baarlamaanka iyo xubnaha golaha Wasiirda oo qaarkood lagu arkay magacyada xildhibaanada mooshinka gudbiyay, balse Xildhibaan Cabdullahi Jaamac Xuseen oo kamid ah mudanayaasha barlamaanka ee mooshinka saxeexay ayaa balan qaaday in aanay laaluush ka dooran doonin ridida madaxweynaha DF Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee mooshinka ayaa u muuqda mid ay isu bahaysteen qaybo ka mid ah dawladaha gacanta kula jira siyaasada Somalia ee sida weyn ugu loolamaya gacan ku haynta Siyaasada Somalia iyo xildhibaano kala ujeedo ah, waxaana la filayaa haddii dacwada Mooshinka ay qaado Maxkamadda Sare, isla markaana caddaymo ku filan la horgeeyo maxkamadda in aanu Madaxweyne Xasan Sheekh ka badbaadayn.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post