Hargeysa (ANN) Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Dabagalka iyo Ilaalinta Hantida Qaranka Md. Maxamed Cali Xirsi, ayaa ka hadlay sababaha kelifay in mooshin ay soo diyaariyaan oo ka dhan ahaa awoodda faraha badan ee maayarrada degmooyinka dalka uu ku dhex saqiiro golaha.
Fadhigii Wakiillada ee shalay, ayaa la soo hordhigay mooshin xildhibaanno golaha ka mid ah ku doonayeen wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyo Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka Somaliland ee Lr.23, gaar ahaan qodobadiisa 14, 40, 66 iyo 89-aad oo uu ku jiro qodobka qeexaya qaabka xil-ka-qaadista maayarrada oo dhigaya in lagu ridi karo codka laba meeloodow saddex meelood tirada xildhibaannada golaha degaanka, balse mooshinku dalbanayey in tiro fudud oo hal-dheeri ah xilka lagaga qaadi karo maayar walba. Hase ahaatee, mooshinkaasi ayaa guuldarraystay kadib markii goluhu ka horjeestay meelmarintiisa, iyadoo Guddoomiye Cirro oo shirguddoomiyey fadhiga uu cod geliyey ansixinta ama diidmada kaabista iyo wax-ka-beddelka xeerka Lr 23 ee mooshinka, waxaanna ogolaaday soo jeedintaasi 21 xildhibaan, halka 25 mudane u codeeyeen in la laalo, sidoo kalena 6 kale ay ka aamuseen, guddoomiyuhuna aannu codayn, sidaasna uu ku guuldarraysay ansixinta wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyo Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka oo fududaynayey xilka-qaadista maayarrada degmooyinku.
Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Ilaalinta Hantida Qaranka ee Wakiillada Md. Maxamed Cali Xirsi oo isagu hormood u ahaa mudanayaasha soo diyaariyey mooshankan, ayaa sheegay inuu ka dhashay kulamo guddigiisu la yeelatay maayarrada iyo xildhibaannada golayaasha degaannada ee Hargeysa, Burco, Boorama iyo Gabiley oo ay ka soo baxday baahida wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyo xeerka lagu maamulo ee Lr.23.
“Waxyaabaha gole ahaan naga horyimi guud ahaan waxa ka mid ah maayarradu ay diideen inay la kulmaan Golaha Baarlamanka ee shacabka ka wakiilka ah ee u yeedhayey wasiirrada, guddoomiyayaasha iyo cid walba ayey maayarradu yidhaahdeen la kulmi mayno, waxay ahayd arrin fajiciso nagu noqotay, waxaannu u yeedhnay Wasiirka Daakhiliga oo isna waxa uu yidhi aniga ha ii dhaafina waa shaqaalahaygee, waxaannuna u qornay ilaa saddex warqadood oo aannu kaga dalbanayno inuu noo sheego sharciga diidaya in maayarradu la kulmaan Baarlamanka, laakiin ilaa hadda wax jawaab ah kama hayno. Sidaa darteed, annagoo eegayna danta Qaranka, ta dadka masaakiinta ah ee cashuurta laga ururiyo, waxay nala noqotay inay muhiim tahay in kaabis lagu sameeyo Xeerka Lr.23.”
“Golayaasha degaannadu waa gole muhiim ah oo qaada lacag, oo sameeya miisaaniyad, lacag qadarkeedu yahay 27 milyan oo dollar ayaa ka soo baxaya golayaasha degaannada dalka sannadkii, miisaaniyaddaasi ansixinteeda iyo xisaab-xidhkeeda midna lama horkeenno Golaha Wakiillada, cid allaale iyo cid og golihii dhammaan ee qaranka loo soo doortay sida loo kharash-gareeyo miisaaniyaddaasi ma jirto. La xisaabimaayo, la eegimaayo, oo soo horfadhiisanmayno Baarlamanka waxay nala noqotay inay tahay dawladdii oo la xumaynayo, habkii dimuqraadiga ahaa oo la xumaynayo, lacagtii ummadda iyo hooyada cadceedda fadhida laga qaadayey oo aan la ogolayn in Baarlamanka lagaga hor jawaabo ayey nala noqotay. Fikradda la aaminay ee ah in aan si sahlan xilka looga qaadin maayarrada inta marka hor si fudud lagu doorto waxa ninkii maayarka ahaa uu kelidii maamulayaa 3 ama 5 milyan oo dollar, waxay taasi keentay in maayarkii uu golaha deegaanka ka tago xildhibaannadii doortay tiro yar ka wato oo aanay shirin, isuna iman oo aanay kalfadhiyadoodii qabsoomin intooda badan,” ayuu yidhi Md. Maxamed Cali Xirsi.
Waxa kaloo uu sheegay in sababta keentay inuu guuldarraysto mooshinkaasi ahayd laaluush qaar ka mid ah maayarrada dalku ku kala qaybiyeen xildhibaannada Golaha Wakiillada oo markii hore 44 ka mid ahi saxeexeen mooshinka ka hor intii aan golaha la horkeenin, isagoo ballanqaaday in aanay joojinayn sii wadidiisa, waxaannu yidhi, “Waxaan u mahadcelinayaa maayarrada degmooyinka intooda badan ee aan ka qaybqaadan dhexgalka lagu sameeyye Golaha Wakiillada maanta, intooda badan ee qaatay ama aqbalay ee yidhi waxa Baarlamanku soo gooyaan ayey noogu dhan tahay, waxaannu aad uga xunnahay kuwa soo dhexgalay ee ka ololeeyey mooshinkan. Haseyeeshee, waxaannu u sheegaynaa in annagu guddi ahaan iyo gole ahaanba inta jecel inay qaranka u shaqayso marnaba aannaan ka daalayn cod nalagaga badiyey oo danta qaranka lagaga leexanayo. Waxaannu halkan ka ballanqaadaynaa oo aannu iminkaba bilownay in mooshin kale oo isla qodobkan ah in aannu soo dhignay oo ay saxeexeen 11 xildhibaan oo waqti kasta aannu soo dhigayno intaan golaha la fasixin, kaasi oo aannu ku sii wadanayno wax-ka-beddelka iyo kaabista xeerkan ilaa ay kala daalayaan kuwa lacagta qaata iyo kuwa bixinaya, waxaanna u sheegayaa kuwa laaluushka bixinaya ee golaha la dhex wareegaya, kuwa baloogyada dhulka ah bixinayaa in aanay naga joojin karin intayada jecel in qarankani meelgaadho.”
Geesta kale, mooshin ka dhan ah isticmaalka lacagta shisheeye, gaar ahaan dollarka iyo dhiirigelinta shillinka Somaliland, ayaa loo gudbiyey Golaha Wakiillada isla shalay.
Mooshinkan oo ay saxeexeen 22 xildhibaan oo ka mid ah mudanayaasha Wakiillada, kaas oo mamnuucaya ku ganacsiga iyo adeegsiga dhammaan lacagaha ajnebiga ah, ayaa si guud goluhu u ogolaaday, kadibna loo gudbiyey La-taliyaha dhinaca sharciga aqalkaasi si uu uga soo talo-bixiyo.
Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Arrimaha Bulshada ee Wakiillada Md. Xasan Cawaale Caynaan oo ka warbixiyey mooshinkan, ayaa sheegay in diyaarintiisa ay keliftay isticmaalka lacagta dollarka ah oo saamayn wayn ku yeelatay hoos-u-dhac ku yimi qiimaha shillinka Somaliland iyo sicir-bararka guud ahaan nolosha, taasi oo khatar ku ah shacabka danyarta u badan, shaqaalaha dawladda iyo ciidammada dalka.
“Markaanu aragnay shuruucda dalka ee tilmaamaysa in la isticmaalo lacagta dalka, markaanu tixgelinay dareenka dadka reer Somaliland, gaar ahaan shaqaalaha dawladda iyo ciidammada ee ku aaddan culayska dhaqaale iyo nololeed ee uu ku hayo sicir-bararka uu sababay kor-u-kaca sarrifka lacagta dollarku; markaanu ogaanay in Somaliland tahay dalka keliya ee mandaqadda Bariga iyo Geeska Afrika ee ganacsatadiisu u adeegsato lacag qalaad sida dollarka; markaanu aragnay in adeegyada lacagta adag ee elektarooniga ahi (lacagta telefoonnada lagu isticmaalo) ay qayb wayn ka tahay qiimo-dhaca shillinka Somaliland iyo dhibaatada sicir-bararka.
Sidaasi darteed, waxaannu xildhibaannada Golaha Wakiillada ee ay soo doorteen shacabka reer Somaliland u soo jeedinaynaa inay nala qaataan qodobadan;