X
    Categories: Warar

Mooshin Ka Dhan Ah Heshiiska Saldhiga Berbera Oo La Horgaynayo Baarlamaanka Soomaaliya

Araweelo News Network

Muqdisho (ANN)- Xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa sheegay in baarlamaanka Soomaaliya ee fadhigiisu yahay Muqdisho la horgaynayo mooshin lagaga soo horjeedo heshiiska dawladda Imaaraadka Carabta loogu ogolaaday inay saldhig millatari ka samaysato madaarka caalamiga ah ee Berbera.
Sidaana waxa shaaciyey Afhayeenka xisbiga KULMIYE Md. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa , waxaannu yidh; “Waxaan rabaa in aan bulshada u sheego in (Salaasada maanta) Baarlamanka iyo xukuumadda Soomaaliya ay mooshin keeni doonaan Baarlamanka oo ay kaga soo horjeedsanayaan heshiiskii ay wada galeen dawladaha Somaliland iyo Imaaraadku ee ku saabsanaa saldhigga Berbera, waxaannu leenahay Soomaaliya waa inay fahantaa in Somaliland tahay waddan gooni ah oo madaxbannaan oo arrimaheedana ay iyadu maamulanayso oo hore iyo imminka toona aanay cid u dabafadhiisan, wax ka xannibaya iyo wax ka joojinayaana aanay jirin.”
Waxa kaloo uu ka hadlay shir xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI kaga soo horjeedo saldhigga millatari oo caasimadda Hargeysa lagu qabanayo Salaasada maanta, waxaannu yidhi; “Sidoo kale, waxa berri shir lagaga soo horjeedo saldhigga Berbera huteelka wayn ee Maansoor Hargeysa ka ballansaday xisbiga WADDANI, waa taariikh isku mid ah oo isu eeg in Xamar laga abaabulo mooshin ka dhan ah heshiiska Somaliland iyo Imaaraadka, isla mooshinkaas oo kalena uu ka dhaco huteelka Maansoor oo ay wadaan xisbiga WADDANI, maanu garan waxa isu beegay iyo sida ay u kulmeen labadaa arrimood.”
“Waxaannu leenahay ummadda reer Somaliland wixii danteedu ku jirto ayuun bay xukuumaddu ka shaqaynaysaa, cidina ugama lexejeclo badana, waxaanay ku fiicantahay wixii madmadow ah ee yimaada in gudaheenna lagaga wadahadlo, taas ayaanu annagu dhiirrigelinaynaa oo cid walba kula talinaynaa, heshiiskaasina waa mid meel maray oo ka dabahadalkiisa ciddii doontaaba ha ahaatee wax ka beddelmayaa ma jiro,” ayuu yidhi Afhayeenka xisbiga KULMIYE Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi).

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post