X
    Categories: Warar

Mogadishu: Taliyihii Saddexaad Ee Ciidamada Soomaaliya Oo Qarax Lagu Dilay Iyo Saacado Kadib Sarkaal Kale Oo Toogasho Lagu Dilay

Araweelo News Network

Mogadishu(ANN)Taliyihii Saddexaad ee Ciidamada Dawlada Federaalka Soomaaliya Jeneraal Maxamed Jimcaale Goobaale, ayaa lala beegsaday Weerrar qarax ah oo ka dhacay badhtamaha magaalada Muqdisho maanta. Kaddib markii gaadhi laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lala beegsaday.
Saraakiisha Dawlada Soomaaliya ayaa sheegay in Gen. Goobaale iyo Lix ka mid ah Ilaalidiisa lagu dilay qaraxaa, iyadoo ay jiraan dhaawacyo . kaddib markii qof nafii hure ah oo watay gaadhi aan weli noociisa la aqoonsan isku miidaamiyay xili uu Taliye Goobaale marayay Jidka Wadada Wersheddaha ee magaalada Muqdisho oo aan ka fogayn xarunta Wasaaradda Difaaca.
Gen. Maxamed Jimcaale Goobaale oo ahaa taliyihii qaybta saddexaad ee ciidammada qaranka Soomaaliya, waxa weerrarka lagu khaarajiyay sheegatay Ururka Al-shabaab, waxayna ku tilaameen mid qorshaysnaa oo muddo lala baadigoobayay in lagu khaarajiyo, iyagoo sheegay inuu ku lug lahaa hawlgalo qarsoodi ah oo iyaga ka dhan ah.

Dhinaca Raysal Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo ka hadlay dilka Gen Goobaale oo ahaa Taliyihii Guutada saddexaad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, wuxuuna ku tilmaamay inuu ahaa shaqsi u adeegayay Qaranka, Kuna baxay gacanta Cadowga.

Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke, wuxuu cambaareeyey weearkaa oo uu ku tilmaamay inuu ahaa mid bahalnimo ah, isagoo Tacsi u direy qoyskii uu ka baxay Marxuum iyo guud ahaan Ciidamadda Xoogga dalka oo ka tirsanaa Marxuumku.
Sidoo kale Weerrar saacado kaddib qaraxa ka dhacay Magaalada Muqdisho, ayaa lagu khaarajiyay Col. Cabdullaahi Sabriye oo ka tirsanaa Ciidanka Qaranka Soomaaliya, kaddib markii dablay hubaysan goobtaa ku weerrareen, isla markaana khaarajiyeen sida ay sheegayaan wararka ka imanaya magaalada Muqdisho, wuxuuna weerarkan noqonayaa noqnayaa kii labaad ee inta la ogyahay 12 saacadood ee lasoo dhaafay lagu khaarajiyay laba saraal oo Ciidamada Soomaaliya ka tirsan magaalada Muqdisho gudeheeda oo caan ku ah weerradad qaraxyada iyo dilalka qorshaysan.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post