X
    Categories: Warar

Mogadishu: Taliye Ku Xiggeeenkii ilaalada Madaxtooyada Oo Toogasho Lagu Dilay

Araweelo News Network

Muqdisho (ANN)- Taliye-ku-xigeenkii ciidanka ilaalada Madaxtooyada maamulka taagta daran ee Muqdisho, ayaa toogasho lagu dilay gudaha xarunta Villa Somalia gelinkii dambe ee shalay.
Askari cadhaysan oo ka mid ah ciidammada dawladda Soomaaliya, ayaa dil toogasho ah ku kharaajiyey sarkaalka sare ee ka tirsanaa ciidanka ilaalada Madaxtooyada Muqdisho oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Qoorgaab.
Sidoo kale, waxa falkaas ku dhaawacmay laba askari kale oo ku dhowaa sarkaalka askariga cadhaysan tacshiiradda ku furay oo ku sugnaa badhtamaha qasriga Villa Somalia oo ay xilligaas ku sugnaayeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo inta badan masuuliyiinta dawladda Soomaaliya.
Ciidammada ammaanka ayaa markiiba gacanta ku dhigay askariga fuliyey dilka Taliye-ku-xigeenkii ciidanka ilaalada Madaxtooyada Muqdisho iyo dhaawaca labada askari kale oo aan la ogeyn sababta ku kelliftay.
Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo hayโ€™adaha amniga maamulka Muqdisho ka soo saareen dilka ka dhacay gudaha xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post