X
    Categories: Warar

Mogadishu: Qarax Lala Beegsaday Weriye

Mogadishu(ANN)Weerar qarax ah oo lagu bartilmaameedsaday Weriye ka hawlgala Magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia, ayaa sababay dhaawaca Weriye Nuure Maxamed Cali oo ka soo Shaqeeyay Idaacada Kulmiye Ee Magaalada Muqdisho.

Weerarka, ayaa ka dhacay xalay Isgooyska KM4 ee magaalada Muqdisho. Kadib markii gaadhi uu watay Weriye Nuure Maxamed oo ahaa Suuzuki loogu xidhay waxyaabaha qarxa ee Rimuutka lagu maamulo, ama sheedda laga hago, waxaana loola cararay Cusbitaalka kadib markii uu dhaawac culus soo gaadhay Weriyahaa.

Wariyayaal ku booqday qaraxa kadib Cusbitaalka Madiina, ayaa sheegaya in Wariye Nuure Maxamed Cali Dhaawaca uu ka soo gaadhay qeybaha danbe ee lugaha, iyadoo Lugta midig ay Go’day, waxaana xaaladdiisa Caafimaad la tacaalaya Saraakiisha Caafimaadka Cusbitaalka Madiina.

Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post