X

#MMTV Oo Sharaxaad Ka Bixiyay Sidii  Ciidamada Amaanku Usoo Hujuumeen Xaruntooda Iyo Weriyayaasha La Xidhay

#Araweelo_News_Network.

 

Hargeysa(ANN)- Maamulka Te;efishanka gaarka loo leeyahay ee MMT, ayaa ka hadlay xadhig iyo hadidaad loo geystay xilli ay ku jireen shaqadooda, kaddib markii dood ka socotay xarunta Telefishanka ee Magaalada Hargeysa oo lagala socday Barta X ee (ex-Twitter) habeen hore ay ku war heleen weerar koox ciidamo ah oo galaalafay, isla markaana xidhay Maxamed Cabdi Ilig oo ah Mulkiilaha iyo suxufiyiin kale xilli ay gudanayeen waajibkooda shaqo.

Qoraal saxaafadeed kasoo baxay maamulka Telefishanka MMTV, ayaa lagu sharaxay sidii wax u dhaceen, wuxuuna  u dhignaa sidan:-

 

WAR SAXAAFADEED, WEERARKII MM-TV.

“Askar  ka tirsan ciidanka Somaliland ayaa  xalay soo weeraray Xarunta MM-TV ee Magaalada Hargeisa, Halkaas oo ay dhibaato iyo gacan ka hadal ugu gaysteen Maamulka iyo xubno ka tirsan hawl-wadeenada shaqada ku sugnaa oo kala ah:-

1) Maxamed Abdi Ilig (Guddoomiyaha MM-TV)

2) Ilyaas Cabdinaasir

3) Maxamed Cabdi Cabdilaahi (Andar).

Ciidamada falka gaystay ee sida fawdada ah usoo weeraray MM-TV, waxay burburiyeen qalabkii yaalay xarunta qaybna way qaateen, waxa kale oo ay joojiyeen dood ka socotay Barta Twitter-ka ee TV-ga dooddaas oo ku Saabsanayd —“ Faa’iidada iyo Halista uu yeelan karo Isfahamka Badda ee Somaliland iyo Ethiopia” dooddaas oo aanay marnaba ku jirin wax dambi iyo xadgudub ah oo uu ka qaybgalay Mudane Faysal Cali sheekh oo ah Masuul culus oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland.

Dhanka kalena uu khadka kaga jiray  Yuusuf Garaad Cumar, oo Xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumadda Soomaaliya.

Mudane Faysal Cali Sheekh, ka hor intii aanu ka qaybgalin doodda waxaa la ogaa si dhawna ay usoo wada hadleen masuuliyiinta sare dawladda oo ka warqabay in uu doodda ku matalayo iyagu aqbalay oo ku ogaa, dood midho dhal ah ayuuna ka dhiibtay falanqaynta socotay.

Lama oga waxay qoonsadeen Mana jirto sabab wax aan dambi ahayn loogu dhibaateeyo Suxufiyiin iyo xarun warbaahineed oo ay shaqadeeda tahay in ay xaaladaha jira ay u tabiso umadda, oo warbixin iyo doodba laga sameeyo maadaama ay tahay shaqo saxaafadeed.

Maamulka iyo Shaqaalaha MM-TV, waxay cambaaraynayaan weerarka iyo xadhiga sharci darrada ah ee lagula kacay Maamulka MM-TV iyo xubnaha shaqaalaha ah.

Waa gaf, awood sheegasho, cabudhin, ku tumasho sharci iyo kalsooni darro haysata dadka arrintan ka dambeeyay.

Waxa aanu ugu baaqaynaa xukuumadda Somaliland in lasii daayo guddoomiyaha iyo xubnaha laga xidhay MM-TV, baadhitaana lagu sameeyo xadgudubka iyo Burburinta loo gaystay Xarunta MMTV oo ka ay leeyihiin muwaadiniin kana  Mid ah cashuur bixiyeyaasha waddanka.

Abdishakur Dayib,

Agaasimaha Guud ee MM-TV.

 

 

 

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post