X

Millateriga Suudaan Oo Xabsiga Dhigay Wakiilkii Al-Jazeera

Araweelo News Network.

Khartoum (ANN)-Millateriga Dalka Sudan dhowaan inqilaabay, ayaa xabsiga u taxaabay Madixii xafiiska Telefishanka Al-jazeera oo Khardoum.

mudaharaadyada lagu dalbanyo in gacanta shabka lagu soo celiyo xukunka dalka Suudaan, Image Araweelo News Network, 13 November, 2021.

Al-Musallami al-Kabbashi ayaa laga soo qabtay gurigiisa, sida ay sheegtay shabakadda Al-Jazeera ee laga leeyahay dalka Qatar, maalin kaddib dibadbaxyo ballaadhan oo ka dhacay dalkaa oo looga soo horjeeday afgambigii militariga ee bishii hore.

Shabakadda wararka Satelite-ka ee Al-Jazeera ee fadhigeedu yahay dalka Qatar ayaa ku sheegtay barteeda Twitter-ka in Ciidamadda ammaanka Suudaan ay weerarreen guriga Al-Musallami al-Kabbashi, kaddibna ay xabsiga u taxaabeen.

Hase yeeshee wax faahfaahin ah kama bixin sababta xadhigiisa oo kusoo beegmay xilli ay dalkaa ka taagan yihiin kacdoono lagu diidanyahay inqilaabka Millateriga, isla markaana lagu dalbanayo in xukunka lagu soo celiyo gacanta shacabka.

Ciidamada ammaanka ayaa dadka u adeegsaday rasaas nool nool iyo sunta dadka ka ilmaysiisa si ay u kala eryaan dadka isugu soo baxay caasimadda Khartoum iyo magaalada Umdurman ee u dhow.

Gollaha Dhexe ee Dhakhaatiirta Suudaan, oo taageera dhaqdhaqaaqa Dimuqraadiyadda, ayaa sheegay in shan qof ay dhinteen, kuwaas oo intooda badan ay u dhinteen dhaawacyo rasaas ah. Dhowr qof oo kale ayaa ku dhaawacmay mudaaharaadyada, sida ay sheegayaan wararka la xidhiidha kacdoonada ka socda dalka.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post