X

Millateriga Shiinaha Ku Hareereysan Jasiiradda Taiwan

Hawlgalka Oo Saamayn Ku Yeeshay 18 Marin Oo Caalami Ah

Araweelo News Network.

Taipei(ANN)- Millateriga Dalka Shiinaha, ayaa sii wada dhoolatuska cabsida abuuray ee ay ku hareereeyeen Jasiiadda Taiwan, taas oo ay sababtay cadho ay Shiinuhu ka qaadeen booqashadii Salaasadii dunida cabsida gelisay ee Haweenayda Afhayeenka Baarlamaanka Maraykanka.

Nancy Pelosi ayaa noqotay sarkaalkii ugu sareeyay ee ka socda Maraykanka oo booqasho ku taga dalka yar ee Jasiiradda Taiwan muddo 25 sano ah, waxayna booqashadeeda Taiwan uga faa’iidaysatay hadal ay ku muujinayso midnimo, iyadoo sheegtay in waddankeedu uu samayn doono wax kasta oo ay ku qaadato, si kor loogu qaado awoodda Taiwan ay isku difaacdo.

 Millateriga Shiinaha, gaar ahaan ciidamada Badda iyo kuwa Cirka, ayaa sii wada dhoolarus Millateri oo ka socda lix aag oo ku xeerran Taiwan, halka wakaaladda wararka ee Shiinaha ee Xinhua ay sheegtay in dhoolatusku uu ahaa hawlgal wadajir ah oo diiradda lagu saarayo go’doominta, weerarrada bartilmaameedka badda, weerarrada bartilmaameedyada dhulka, iyo xakamaynta hawada.

Taliska milliteriga ee bariga Shiinaha, ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in cubyo ka tirsan Ciidanka Xoraynta Dadka (PLA) “Waxay hirgeliyeen tababbarka toogashada tooska ah ee dab-damiska ee marin biyoodka Taiwan waxayna fuliyeen weerarro sax ah meelo gaar ah oo ku yaal qaybta bari ee marinka Taiwan,” taas oo kala qaybisa dhul weynaha Shiinaha iyo jasiiradda.

Bandhigga xoogga ah Shiinuhu ku hareereeyay marinnada maraakiibta caalamiga ah ee muhiimka ah, ayaa noqday mid carqaladaysa 18 waddo oo caalami ah, sida ay sheegtay Taiwan, waxayna maamulka Jasiiradda Taiwan sheegeen in ay xiisaddu ka dhalatay kaddib booqasho ay jasiiradda ku tagtay afhayeenka Aqalka Wakiilada Maraykanka Nancy Pelosi, oo ah siyaasigii ugu darajada sareeyay ee booqda 25 sano.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post