X
    Categories: Warar

Midowga Yurub oo Sharraxay Sababaha ay u Dhimeen Mushaharka Ciidammada AMISOM ee Soomaaliya

Araweelo News Network

Mogadishu(ANN) Ergayga Ururka Midowga Yurub ee Arrimaha Soomaaliya Mr. Michele Cervone D’Urso, ayaa sharraxay sababaha ururkoodu 20% u dhimay mushaharkii ay siin jireen ciidammada Midowga Afrika (AMISOM) ee ka hawlgala dalka colaaduhu naafeeyeen ee Soomaaliya.
Danjire Michele oo waraysi siiyey wargeyska The Star oo ka soo baxa Kenya maalintii Salaasada, waxa uu xusay in hore ugu wargeliyeen taliska AMISOM inay dhimayaan mushaharka ay qaataan ciidammadooda ku sugan Soomaaliya, isagoo intaa ku daray inay laga jaray ciidankaas u weecin doonaan meelo kale.
Sidoo kale, waxa uu sheegay inay Midowga Yurub yahay taageeraha ugu weyn AMISOM, sannad walbana ku bixiyaan hawlgalkooda Soomaaliya lacag dhan $200 milyan oo doollarka Mareykanka ah.
Waxa kaloo Ambassador D’Urso farta ku fiiqay inay muhiim tahay in la dhiso ciidammada millateriga dawladda taagta daran ee Soomaaliya, isagoo ka digay inaan si qaldan loo fasirin sababaha Midowga Yurub u dhimay mushaharkii ciidammada AMISOM.

Dhanka kale, Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay in askariga ka tirsan hawlgalka ciidammada AMISOM ee Soomaaliya uu mushahar ahaan u qaatan doono bishii lacag dhan $828 doollar, iyadoo dalkiisu ka goosan doono musharka askartooda midkiiba $200 doollar, lacagtaas oo ay ku sheegeen inay horeba u jirtay.
Mushaharka askariga ciidanka AMISOM waxa uu hore u ahaa $1000 doollar.
Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira, ayaa isaguna dhankiisa sheegay inay raadinayaan ururro kale oo dhaqaalaha ka taageera ciidanka AMISOM ee ka hawlgala Soomaaliya.
Ciidammada AMISOM waxa lagu eedeeyaa in aanay illaa hadda horumar la taaban karo ka samayn dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab, marka loo eego muddo 9 sannadood ah oo ay hawlgallo millateri ka wadeen Soomaaliya.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post