X
    Categories: Warar

Midowga Afrika oo Cayimay Waqtiga Ciidammada AMISOM ka Baxayaan Soomaaliya

Araweelo News Network

AMISOM soldiers patrol in the Somali capital Mogadishu, April 12, 2015. The 22,000-strong force plays a crucial role in maintaining security in Somalia, in the face of a looming threat from Al-Shabab.Mohamed Abdiwahab/AFP/Getty Images

Addis Ababa(ANN)- Ururka Midowga Afrika, ayaa ugu dhawaaqay inay ciidankooda AMISOM ee ku sugan Soomaaliya si rasmi ah ugala baxayaan marka la gaadho bisha October ee sannadka 2018.
Bayaan ka soo baxay Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika oo warbaahinta kula hadlay xaruntooda magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya maalintii Arbacada ee toddobaadkan, ayaa lagu sheegay in muddo laba sanno gudahood ah ciidammada AMISOM ku wareejin doonaan ciidanka maamulka Muqdisho goobaha muhiimka ah ee ay gacanta ku hayaan, askariga ugu dambeeya ciidankoodana la bixi doonaan sannadka 2020.
Qorshaha cusub ee AMISOM kaga baxayaan Soomaaliya, waxa uu qayb ka yahay dib-u-eegis Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ku sameeyey Hawlgalka Ciidammadooda ku sugan Soomaaliya, kaas oo lagu ansixiyey kulankii 608-aad oo golahaasi ku yeeshay xaruntooda Addis Ababa toddobaadkii hore.
Sidoo kale, jadwalka AMISOM kaga baxayaan Soomaaliya, ayaa la sheegay inuu dhaqan-galayo, kaddib marka Al-shabaab laga saaro goobaha ay maamulaan, laguna guuleysto dib-u-dhiska iyo xoojinta ciidammada kala duwan ee dalkaas colaaduhu aafeeyeen.
“Goluhu wuxuu meel-mariyey Barnaamijka CONOPS, kaasoo ah xoojinta iyo weliba dardar-gelinta hawlgallada ciidammada AMISOM iyo kuwa qaranka Soomaaliya oo saldhig u noqonaya hannaanka ka bixitaanka ciidanka Midowga Afrika ee Soomaaliya.” Sidaa waxa lagu sheegay bayaanka ka soo baxay Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika.
Barnaamijka CONOPS, ayaa ah mid dib loogu eegayo hawlgallada AMISOM ee Soomaaliya oo la aasaasay sannadkii 2007-dii, si ay gacanta uga geystaan in halkaas nabad ka islaaxdo.
“Waxaannu dhabbaha u xaadhaynaa waqtiyeynta ka bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya, taasoo xuddun u ah in Al-shabaab laga saaro degaannada ay weli maamulaan inta aan la gaadhin sannadka 2018-ka.”
Waxa kaloo warbixinta lagu xusay in ciidammada AMISOM qayb ka qaadan doonaan suurtogelinta doorashada la filayo inay Soomaaliya ka dhacdo dhammaadka sannadkan 2016, sidoo kalena gacan ka geysan doonaan Qorshaha Caalamiga ah ee dib loogu dhisayo ciidammada Soomaaliya, si ay hawsha ugala wareegaan kuwa Midowga Afrika.
Go’aanka iyo qorshaha cusub ee Midowga Afrika, ayaa ku soo beegmay xilli dawladaha Uganda iyo Kenya oo ciidammadoodu qayb ka yihiin hawlgalka AMISOM ku hanjabeen dhowaan inay ciidankooda kala baxayaan Soomaaliya, kaddib markii Midowga Yurub dhimay dhaqaalihii uu ku taageeri jiray.
admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post