X

Midawga Yurub Oo Xukuumadda Ethopia Ku Canbaaraysay Xuquuqda Saxaafadda

Araweelo News Network.

 

“Xorriyadda saxaafadda waa xuquuq lama huraan ah sidaa darteedna waa in la ixtiraamo. ” Qoraalka Midawga Yurub.

Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed arrives for a rally in the Oromia region in April 2018. Image File Araweelo News Network.

Baseless (ANN)-Midowga Yurub ayaa dalbaday in la baadho dilkii wariye Ethiopian ah, kaas oo horaantii May,  iyagoo dhinaca kale si weyn walaac uga muujiyay goaanka ay xukuumadda Federaalka  ee Ethiopia ay dalka kaga caydhisay Jimcihii toddobaadkan  Simon Marks oo ahaa weriye u soo shaqeeyay Wargeyska caanka ah ee New York Times, Politico, iyo warbaahin kale oo caalami ah.

 

Afhayeen u hadlay Midowga Yurub, ayaa yidhi, “Midowga Yurub wuxuu si aad ah uga walaacsan yahay arrinta meesha ka sii yaraanaysa ee ah xoriyadda saxaafadda iyo ceebeynta, xadhiga iyo sidoo kale xayiraaddaha lagu soo rogay Ethiopia iyo saxafiyiinta caalamiga ah ee ku sugan Ethiopia, ”

“Warkii ugu dambeeyay ee ku saabsan dilka weriye oo ka tirsan Shabakada Warbaahinta Oromiya gebi ahaanba lama aqbali karo waana in kiiska si qoto dheer loo baadhaa, ”ayaa lagu yidhi qoraalka Midawga Yurub.

Sidoo kale, Midawga Yurub ayaa raaciyay,“ Ka saarida dalka toddobaadkan weriye ka tirsan The New York Times, ayaa sidoo kale ah arrin aad looga walaacsan yahay.

“Sisay Fida, oo ahayd weriyihii idaacadda Oromiya Broadcasting Network, waxaa toogtay kooxo aan haybtooda la garanayn oo ku sugnaa magaalada Dembi Doollo ee galbeedka dalka Ethiopia, May 9. Ujeedada dilkan wali lama ogga. telefishankaa waxaa gacanta ku haya dawladda gobolka. Oromiya waa gobolka uu kasoo jeedo ra’iisal wasaare Abiy Ahmed, Abiy wuxuu kasoo shaqeeyay guddida maamulka shabakada kahor inta aannu xafiiska qaban.

Weriyihii New York Times Oo Laga Masaafuriyay Addis Ababa Ethiopia Oo Waajahday Canbaarayn Kaga Timi Dunida

Weriye Marks, oo ka warbixiyay gabood falka ay geysteen milittariga Ethiopia iyo xulafadiisa gobolka Tigray, halkaas oo dagaal sokeeye ka socday tan iyo November 2020, ayaa laga musaafuriyay Ethiopia saacadihii hore ee subaxnimadii Jimcaha.

Marks ayaa Aqoonsigiisa saxaafadeed ladiiday bishii March, waxaana dhawaan la diiday racfaan uu ka qaatay arrintaa,  inkasta oo ogolaanshiyaha joogitaankiisa ee uu dalka ku joogggay ee kaga shaqaynayay illaa iyo October.

“Midowga Yurub wuxuu sii wadi doonaa inuu u istaago doorka warbaahinta madaxa bannaan ee lagu kalsoonaan karo adduunka oo dhan, ”ayaa lagu yidhi, qoraalka Midowga Yurub.

“Waxaa naga go’an, annagoo raacayna sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha, si loo ilaaliyo xorriyadda warbaahinta iyo hannaanka badan, iyo sidoo kale ilaalinta xuquuqda xorriyadda hadalka ee dadka iyo khadka tooska ah, oo ay ku jirto xorriyadda ra’yi dhiibashada iyo helitaanka iyo gudbinta macluumaadka iyada oo aan la faragelin. Xorriyadda saxaafadda waa xuquuq lama huraan ah sidaa darteedna waa in la ixtiraamo. ” ayaa lagu yidhi, qoraalka Midawga Yurub eek u waajahan xukuumadda Ethiopia.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post