X

Midawga Yurub Oo Ka Digay Mudaharaadka Lagu Baaqay Iyo Hoggaamiye Maamul Goboleed Oo Muqdisho Ka Degey

Araweelo News Network.

 

#Muqdisho(ANN)-Midawga Yurub, ayaa ka digay mudaharaadka ay ku baaqeen mucaaradka dawladda Federaalka ee Soomaaliya inuu sabab u noqdo burburka amniga dhaaka-dhaakada ah ee Soomaaliya.

#Nicolas Berlanga oo ah wakiilka Midawga Yurub ee Arrimaha Soomalaiya, ayaa ku baaqay in laga fogaado ficilada iyo ereyada xanafta leh ee keeni kara rabshado ama qalalaase ka dhasha mudaharaadka ay ku baaqeen koxoda mucaaradka maalinta jimcaha.

Ambassador, Nicolas Berlanga , wuxuu sheegay in Inkasta oo la ixtiraamayo xaqa hadalka iyo banaanbaxa, haddana waxa uu sheegay in loo baahan yahay in lagu dhaqmo xakameynta xasaasiyada iyo cawaaqib xumada ka dhalan karta isku imaatinka, wuxuna hadalkiisu kusoo beegmay kaddib markii ay maanta ku baaqeen mucaraadka la baxay midawga murrashaxiinta mudaharaad beri lagu muujiyo dareenka, wallaw ay xukuumaddu ciidamo soo dhoobtay magaalada jidadka muhiimka ah, isla markaan ay mamnuucday isu imaatinka sababo xannuunka Covid -19, oo kusoo aaray Soomaaliya.

Balse, mucaardka ayaa dhankooda ku doodaya in aannay aqbalayn ee ay sii wadanayaan in isu soo baxa ay ku baaqeen uu ka dhacayo Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, Madaxweynaha dawlad gobolleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed oo lagu naanayso  (Lafta gareen), ayaa galabta ka degey Magaalada Muqdisho, waxaana la filaaya inuu ka qaybgalo shirka uu Madaxweyne Farmaajo ku baaqay ee la filayay in uu maanta ka furmo magaalada Muqdisho, kaas oo dib u dhac ku yimi, kaddib markii ay kasoo xaadiri waayeen hoggaamiyayaash maamul gobolleedyada Soomaaliya.

Shirka maamul gobolleedyada iyo xukuumadda federaka ee Soomalaiya, ayaa la doonayaa in xal lagaga gaadho khilaafka laysku mariwaayay ee doorashada Soomaaliya.

Arrimaha ugu muhiimsan ee la filayo in lagaga hadlo, ayaa ah dhaqan gelinta Heshiiskii 17-kii Sep 2020, iyo talooyinka iyo xalka ay soo gudbiyeen Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku shiray maalmihii lasoo dhaafay, 15-16ki February  magaalada Baydhabo, sidaana waxa lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Dhinaca kale, Cabdiaciis Lafta Gareen, ayaa noqonaya hoggaamiyihii maamul goboleedyada ee ugu hirtaga, ama ajiiba shirkaa Madaxweyne Farmaajo ku baaqay, kaaso oo la filayay in uu maanta ka furmo muqdisho, balse dib u dhac ku yimi, kaddib markii ay madaxda maamul gobolleedyadu ka xaadiri waayeen.

 

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post