Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Dalalka Caalamka iyo ururka Midowga Yurub ee arrimaha doorashooyinka iyo horumarka ka taageera Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa soo bandhigay saamaynta muddo-kordhinta cusub ee Golaha Guurtidu u sameeyeen golayaasha qaranka ku yeelanayso Somaliland.

Siddeed waddan oo saaxiib la ah Somaliland oo kala ah Denmark, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Holland, Sweden, Ingiriiska iyo Maraykanka iyo Ururka Midowga Yurub oo si wadajir ah u soo saaray war-murtiyeed , ayaa sheegay inay si wayn uga niyad-jabsan yihiin go’aanka Golaha Guurtida Somaliland ku sameeyey muddo-kordhinta ee sii fogaysay nidaamkii wareegga doorashooyinka Somaliland, kaas oo weliba ay ka badiyeen waqtigii xukuumaddu codsatay.

“Dib-u-dhigista dheeraadka ah ee doorashada Madaxtooyada lagaga dhigay bisha November 2017 iyo doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo golayaasha deegaanka ee loo riixay sannadka 2019 ma jiro wax cudur-daar ah oo lagu saleeyey ama qorshe waxa lagu qabanayo muddada dheer ee dib loo dhigay xilliga codbixinta Baarlamanka,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Waddamadan saaxiibka la ah Somaliland iyo ururka Midowga Yurub waxay tilmaameen saamaynta xun ee Somaliland ka dheefayso muddada dheer ee doorashooyinkeeda mar kale Golaha Guurtidu kordhiyey, waxaannay yidhaahdeen, “Muddo-kordhinahani waxay mijo-xaabinaysaa nidaamkii dimuqraadiyadda Somaliland, waxaanay sababeen walaac badan oo beesha caalamku ka qaado ku kalsoonaanta sumcadda dawladda iyo ixtiraamka ay u hayso hab-dhaqanka dimuqraadiyadda. Waxaannu sheegaynaa in muddo-kordhintan cusub ay xildhibaannada Baarlamanku (Golaha Wakiillada) fadhiyayaan kuraasta muddo 14 sanno ah doorasho la’aan, taas oo ka badan libin-laabka waqtiga dastuurku jideeyey.”

Waxa kaloo ay baaq u jeediyeen Golaha Guurtida Somaliland ee dhawaan go’aamiyey muddo-kordhinta xukuumadda, golayaasha Baarlamanka (Wakiillada iyo Guurtida) iyo golayaasha deegaanka, “Waxaannu ku dhiirrigelinaynaa Guurtida inay noqdaan kuwo ixtiraamaya cod-bixiyayaasha Somaliland oo ay dib ugu fiirsadaan go’aankooda muddo-kordhinta, isla markaana ku sameeyaan jadwal doorashooyinka Madaxtooyada, Golaha Wakiillada iyo golayaasha degaannadu ku qabsoomaan sida ugu horreysa ee ay farsamo ahaan lagu hirgelin karo.”

“Qaadhaan-bixiyayaal ahaan, waxaannu meel cad ka taagannahay muddo-kordhinaha xileed iyo dib-u-dhacyada doorashooyinka iyo sidoo kale arrimaha ka dhasha. Kalsoonida sumcadda dawladda Somaliland waa mid daldalan, waxayna Somaliland ku waayeysaa maalgalino muhiim ah. Annagoo ka xun sidii hore loo sheegay, qaadhaan-bixiyayaashu ma bixinayaan kharashka ka dhasha muddo-kordhintan,” ayaa lagu soo gunnaanaday war-murtiyeedka ka soo baxay wakiillada waddamada saaxiibada la ah Somaliland ee ka caawiya arrimaha doorashooyinka.