X
    Categories: Warar

Mid Kamida Dhagxaanta Ay Ku Xardhantahay Aasaarta Qadiimiga Ahi Oo Weerar Burburina Lagu Qaaday

Araweelo News Network

Dhagaxa

Hargaysa(ANN)-Dhagax weyan oo caan ahaa oo ay ku xardhantahay far qoraal ah oo ay ku qoreen qoomiyadihii hore, ayaa weerar burburin ah lagu qaaday, dhagaxan ayaa ka mida Aaasaarta qadiimiga ah ee Somaliland waxanu yaal meel u dhaw kaantaroolkii galbeedka Hargaysa ee hore.

Dhagaxan ayaa waxaa weerar koox ka ganacsata dhagaxa Guryaha lagu dhiso, kadib markii ay gubeen dhagax agyaalay oo ay burburiyeen isana dhaawac u gaysteen.

Nuural Hudaa Cali Banfis oo ah gabadh Sawir qaade ah oo soo bandhigta goobaha taariikhiga ah ee Somaliland oo dhawaan booqatay goobta uu yaalay dhagaxaasi, ayaa baaq u dirtay Xukumada iyo Hay’addaha Caalamiga ah ee Daryeela Aasaarta Qadiimiga ah, waxanay qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebook ku tidhi:- “Ku: Dawladda iyo dadka reer Somaliland! waxaan idinka codsanayaa inaad iigu hiilisanaa badbaadinta taariikhda iyo aasaarta Jamhuuriyadda Somaliland mid ka mid ah oo qarka u saaran in la burburo oo la waayo! . waxay ahayd bishii 10naad ee 2017 markii aan tagay dhagax ay ku xardhan yihiin qoraal ka mid ah kuwa aasaarta ah ee dadkii hore ka tageen oo ku yaal koonaha galbeed ee magaaladda Hargeysa halkii kantoraalkii hore ahaan jirey agteeda, dhagaxaas oo kuyaal meel baloodh ah oo qof shacab ahi sheeganayo lahaanshihiisa!. dhagax muddo badan baa la ogaa inuu goobta yaalo , balse hadda waxaa ku dhacday dhagaxii in nimanka dhagaxaystayaasha ahi dhagaxii kii ku xigay gubaan! oo ay ka ganacsadan , dhagax wax ku qoran yihiin oo isaga laftiisu lagaraacay qayb ka mid ah”

Nuural Hudaa ayaa waxa ay dhawaan ku dartay dhagaxan taariikhdiisa iyo Sawirkiisa Buug ay ugu magac dartay Kayad Deegaan, Buugan oo ay ku duugan tahay goobaha taariikhiga ah ee badiba Somaliland isla markaana ay ku daahfurtay Gobolada Dalka waxa aad u soo dhaweeyay Bulshada iyo Xukuumada Somaliland, iyo sidoo Hay’adaha Caalamiga ah ee Degan Somalilad.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post