X
    Categories: Warar

Mid Ka Mid Ah Halyeeyadii Bud-dhigay SNM Oo Ku Geeriyooday Hargeysa Iyo MadaxTooyadda Oo Afka Iyo Indhaha Ka Xidhatay

Araweelo News Network

“Waxay kala Masuugtay Inay Tacsiyayso iska Daa inay Aaskiisa ka qaybgashee”


Hargeysa(ANN) Allah ha u naxariistee, waxa xalay ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaal Duleedka Koonfureed ee Magaalada Hargeysa meel aan sidaa uga fogayn Qasriga Madaxtooyadda Somaliland Marxuum Maxamed Axmed Maxamed (Sayidi) oo ka mid ahaa haldoorkii iyo halgamayaashii horaantii sideetanaadkii kaga dhawaaqay Ururkii SNM, isla markaana ka mid ahaa Baarlamaankii hore ee xiligii xukuumaddi Marxuum Cigaal.

Marxuum Maxamed (Saydi), wuxuu labadii sanadood ee u danbeeyay u jiifay xaalad Caafimaad, wuxuuna ugu danbayntii ku geeriyooday Hargeysa Sabtidii 16 January 2016, Marxuumka ayaa lagu aasay Xabaalaha Naasa-Hablood ee Bari Magaaladam iyadoo aanay Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Siilaanyo oo ah Guddoomiyihii ugu mudada dheeraa ee SNM, dhegaha ka furaysatay qayladhaan marar badan lagu wargeliyay xaalada Muj. Maxamed Axmed Maxamed (Sayidi) oo ka sokow taariikhda dahabka ah ee uu ku lahaa halgankii SNM, ay u dheerayd taariikh kale oo dhinaca Kubadda Cagta oo uu ku lahaa Mujtamaca Soomaalida iyo Carabta gaar ahaan koonfurta dalka Yemen ee magaalada Cadan oo uu kusoo barbaaray yaraantiisii, isla marakana kusoo qaatay waxbarashadiisii ka hor intii aanu dhinaca Soomaaliya usoo wareegin horaantii todobaatanaadkii.

Marxuumka oo u geeriyooday dayac iyo dar-xumo, waxay madaxtooyadda Somaliland iyo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo mudadii uu daryeelka u baahnaa indhaha ka qarsatay, isla markaana iska dhega tirtay marar dhawr ah oo xaalada Mujaahidka lala socodsiiyay, ayaan gebi ahaanba ka qaybgelin Aaska Marxuumka oo mudnaa in si heer qaran ah loo aaso, maadaama uu ahaa halyey naftiisa iyo noloshiisa usoo huray dalkan, balse Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo hore loogu tilmaamay inay xataa Tacsiyaha ka dhigtay Eex iyo qaraaba-kiil sida marar baddan oo kale lagu arkay oo dad dalkan iyo qarankan taariikh ku lahaa markii ay taageerada u baahnaayeen ka dhega adaygtay, isla markaana indhaha iyo afka ka xidhatay oo kaala masuugtay tacsiyaha.

Allah ha u naxariistee Marxuum Maxamed Axmed Maxamed (Saydi), oo Taariikhdiisa oo soo gudbin doono, wuxuu ifka kaga tegey Aasiya Maxamed Axmedm waxaan ilaahay uga baryaynaa Marxuumka inuu jana-fardawsa ka waraabiyo, qoyskii ehelkii asxaabtii iyo umadda somaliland samir iyo iimaan ka siiyo.

By. Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist.
Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post