X
    Categories: Warar

Meehanawga Shacabka Ee Munaasibadda 18 May Iyo Maalinta Qiimaha Baddan: Warxbin

Hargeysa(ANN)Kumanaan  qof oo saaka waaberigii usoo diyaar garoobay xuska munaasibadda qaaliga ah ee 18 May oo dalka oo dhan laga xusayay 24 guuradii kasoo wargeebtay markii ay Somaliland dib ula soo noqotay xoriyadeedii luntay 26 Jun 1960,  iyadoo halgan dheer oo dhiig ku daatay kadib 18 May 1991 laga dhawaaqay Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa isugu soo baxay shaaracyada wadooyinka magaalada  Caasimada ah ee Hargeysa.

24 guurada 18 May photo By. Arraale M Jama Araweelo News Network

Dadkaa oo sitay boodhadh iyo Calamo, waxay  si weyn u beddeleen muuqaalka wadooyinka, taas oo ay sabab u ahayd lebiska qurxoon ee ay siteen farxada ay ku qaabileebn munaasibada maalinta 18 May ee ay  sugayeen, balse  dadkaa oo u badnaa dhalinyaro, isla markaana sida daadka uga soo qul-qulayay wadooyinka magaaalada caasimada Hargetysa, waxay qaarkood dareen saluug ka muujhiyeen qaabka loo maamulay agaasimka munaasibadaa.

Liibaan Saleebaan Cali waa Wiil Yar oo dhalinyaro ah, waa 18 Jir Jidhkiisa ku Muujiyay shucuurta dareenkiisa ee maalinta qiimaha Baddan ee 18 May, wuxuu Jidhkiisa ku midabeeyay Calanka Somaliland ee saddexda Midab ah, isagoo isticmaalay Rinji. “Ma sidii xalay ayaad Rinjiga u marsantahay, waar iska maydh yaad ku dhimane” sidaa waxa su’aalay saaxiibkii, wuxuu ugu jawaabay, “Rag baa dhiigooda u huray adna Rinji ayaad ka hadlaysaa”

Warbixin arrintaa la xidhiidha kal soco shebekadda Araweelo News Network

Warbixin arrintaa la xidhiidha kal soco shebekadda Araweelo News Network

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post