Hargeysa(ANN)Kumanaan qof oo saaka waaberigii usoo diyaar garoobay xuska munaasibadda qaaliga ah ee 18 May oo dalka oo dhan laga xusayay 24 guuradii kasoo wargeebtay markii ay Somaliland dib ula soo noqotay xoriyadeedii luntay 26 Jun 1960, iyadoo halgan dheer oo dhiig ku daatay kadib 18 May 1991 laga dhawaaqay Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa isugu soo baxay shaaracyada wadooyinka magaalada Caasimada ah ee Hargeysa.
Dadkaa oo sitay boodhadh iyo Calamo, waxay si weyn u beddeleen muuqaalka wadooyinka, taas oo ay sabab u ahayd lebiska qurxoon ee ay siteen farxada ay ku qaabileebn munaasibada maalinta 18 May ee ay sugayeen, balse dadkaa oo u badnaa dhalinyaro, isla markaana sida daadka uga soo qul-qulayay wadooyinka magaaalada caasimada Hargetysa, waxay qaarkood dareen saluug ka muujhiyeen qaabka loo maamulay agaasimka munaasibadaa.
![Araweelo News Network](https://usercontent.one/wp/www.araweelonews.com/wp-content/uploads/2015/05/Araweelo-News-Network-768x1024.jpg)
Liibaan Saleebaan Cali waa Wiil Yar oo dhalinyaro ah, waa 18 Jir Jidhkiisa ku Muujiyay shucuurta dareenkiisa ee maalinta qiimaha Baddan ee 18 May, wuxuu Jidhkiisa ku midabeeyay Calanka Somaliland ee saddexda Midab ah, isagoo isticmaalay Rinji. “Ma sidii xalay ayaad Rinjiga u marsantahay, waar iska maydh yaad ku dhimane” sidaa waxa su’aalay saaxiibkii, wuxuu ugu jawaabay, “Rag baa dhiigooda u huray adna Rinji ayaad ka hadlaysaa”
Warbixin arrintaa la xidhiidha kal soco shebekadda Araweelo News Network
Warbixin arrintaa la xidhiidha kal soco shebekadda Araweelo News Network