X
    Categories: Warar

Maydh: Kashaaraha Ka Dhashay Roob Ka Curtay Xeebaha Sanaag

Prof. Xuseen Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Siciid Maydh, Maayarka Maydh, Araweelo News Network, Photo File

“Qof Dumara oo daad ku qaaday ayaa jirta, khasaare kalena wuu jiraa “Maayarka Magaalada Qadiimka ah ee Maydh Prof. Xuseen Cabdiraxmaan

Maydh- Sanaag- (ANN)-Maayarka Magaala xeebeeda qadiimha ah ee Degmada Maydh Prof. Xuseen Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Siciid Maydh, ayaa ka hadlay Roobab dabaylo wata oo ilaa 6-dii bishan Dec 2019, ka da’ayay deegaanada Degmada Maydh, kuwaas oo waxyeelo gaadhsiiyey degmada, isla markaana galaaftay ugu yaraan inta la ogyahay nolosha hal qof oo dumar ah.

Maayarka oo warbaahinta la hadlay, ayaa ku baaqay in gurmad deg-deg ah la gaadhsiiyo dadka deegaankaa, wuxuuna ka war bixiyay khasaaraha naf iyo mood ay roobabku geysteen, “Roobabki Dabylaha watay oo 6-dii ilaa 7-dii bishan si aan kala-go lahayn uga da’ay degmada Maydh iyo nawaaxigeda, wuxuu gaystay waxyeelooyin badan, sida ruux dumara oo daad ku qaaday deegaanka Xaadh oo ah deeganka hoos-yimadaa degmada maydh, sidoo kale guryo dumay iyo xoolo iyo Aqal Soomaliyo uu ka qaaday xaga Miyiga.”


Wuxuu sidoo kale sheegay in dhanka Magaalada khasaare soo gaadhay, isagoo yidhi, ” Magaalada Maydh waxa dumay 9 guri, 5 guri oo ka dumay tuulada waqderiya,sidoo kale waxa waxyeeloobay 13 Laash oo ay 7 laash oo kuwa kaluunka ahna ay gabi ahaanba bur-bureen, waxa iyana waxyelooyin laga soo sheegaya degaanada hoos yimaada degmada sida, Xaadh, laas-dhanaan, Afceel kuule. Xarshow ,Ceel-dibir,Gorgor, Cirshiida,Laasa-surad, Waqderiya oo iyagana aanu waxyeeladooda gadaal kasoo sheegi-doono “ayuu yidhi.

Maayarka, ayaa si gaar ah u tilmaamay waxyeelada soo gaadhay Ceelkii Biyaha ee Magaalagu ka cabi jirtay, isagoo yidhi, ” Waxyeelada ugu wayn wuxuu gaadhsiyey ceelki biyaha degmadu ka cabi jirtay, oo waxa uu waxyeeleyay beebabkii ceelkii biyuhuna wuu dhaawac-may waana xaalad u baahan gurmad deh deg ah”,

Sidoo kale, Maayar Xuseen Cabdiraxmaan oo ka hadlaya khasaaraha ayaa yidhi, ” Roobaabkan ayaa waxa ay jiingadii kala tageen Saldhigii Dhexe ee Booliska, Kastamkii, MCH-kii degmada, Gurigii Hooyooyinka, isagoo sidoo kalena dumiyeyxaruntii qalabka kaluumaysiga iyo dhirtii waa-weynayd ee degmada,Dhamaan guryaha ka dumay degmada maydh oo isugu jira Guryo shicib iyo Guryo dawladeed ayaa isku gaynta tiradoodu tahay 20 guri oo dumay roobkii bishii hore iyo 10 guri oo kale oo dumay intii u dhaxaysay 6-7-dii bishan, iyadoo wadarta Guryaha waxyeeladu gaadhay ay noqonayaan 30 guri”

Prof. Xuseen Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Siciid Maydh, wuxuu cod dheer ku sheegay in bulshada degmada Maydh u baahan tahay in si degdega loo soo gaadhsiiyo gargaar deg-dega, isla markaana taageero loo muujiyo dadka uu waxyeelada u geystay roobku.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post