X
    Categories: Warar

Maydadka Dadkii Ku Haligmay Xeebaha Djibouti Oo Qaarkood La Helay

Djibouti (ANN)-Maydadka 53 qof, ayaa maydadkooda laga helay xeebta dalka Djibouti ee magaalada Obokh, kadib markii doon ay doonayeen inay ugu safraan dalka Yemen ay degtay.

Saraakiisha Dalka Djibouti oo weli baadhaya maydadka  dadka la la’ayahay oo lagu qiyaasay ilaa sideetan qof, kuwaas oo la socday laba doonyood oo ka baxay deegaanka Obokh, balse ku degey halkaa, isla markaana saraakisha ayaa sheegay in la helay mid ka mid ah doonyaha oo laba u kala go’day halka wararka qaar sheegayaan in doonta kale u talawday dhinaca dalka Yemen.

Labada doonyood, ayaa la waayay shalay, balse gurmadka iyo baadidoonka ilaa shalay lagu jiray, ayaa lagu helay maanta doontaa, iyadoo maydka ilaa 53 ka mid ah dadkii ku dhintay dooni ay la socdeen dad tahriibayaal ah la helay.

Dadka qaar ayaa sheegaya in doonta kale u gudubtay dhinaca Yemen, iyadoo labada doonyood oo la sheegay inay sideen dad gaadhaya 130 qof oo u socday dalka Yemen.

Sida ay sheegtay Hay’adda IOM Sannadkii hore xeebaha dalka Djibouti, waxa  ku dhintay dad ka badan 150 oo tahriibayaal ah.

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post