X
    Categories: Warar

Maydadka Iyo Dhaawaca Dadka Qoxootiga Soomaalida Ee Lagu Xasuuqay Dalka Yemen

Araweelo News Network


Hudaydah(ANN)-Saraakiisha caafimaadka Magaalada Xeebta ah ee Xudeydah ee dalka Yemen ayaa sheegay in dhimashada dadka Soomaalida ee lagu duqeeyay Doontii ay la socdeen ay gaadhayaan ugu yaraan 42 qof oo u badan Haween iyo carruur, kuwaas oo ku nafwaayay markii ay duqayn dhinaca Cirka ah ay kala kulmeen Diyaarad nooca loo yaqaan Apache helicopter.

Saraakiil u hadlay guddiga caafimaadka ee magaalada Xudeydah, ayaa warbaahinta u sheegay in tobanaan ka mid ahaa dadkaa oo dhaawacyo culus soo gaadheen ay qaabileen, balse ay qaarkood dhinteen.

Sidoo kale saraakiisha Caafimaadka, ayaa sheegay in meydadka 42 qof oo u badan Haween iyo Carruur lagu aruuriyay xarunta laanqeyrta Cas ee magaalada Xudeydah, iyadoo Magaalada Xudeydah ay gacanta ku haayan Maleeshiyada Xuuthiyiinta ee dagaalka kula jirta xulufada uu hoggaamiyo Sucuudigu .
Duqeynta, ayaa lala beegsaday Doontaa oo u socotay dhinaca Dalka Suudaan xili ay maraysay duleedka marinka caalamiga ah ee Bab al-Mandeb Strait, sida ay xaqiijiyeen Telefishanka al-Masirah oo laga leeyahay dalka Yemen.


Naakhudaha Doonta oo lagu magcaabo Ibraahim Cali Ziyaad, ayaa warbaahinta u sheegay in shilkaa ay badbaadeen ku dhowaad 80 Qof oo Soomaali ah, wuxuuna xusay in gantaallada lagu garaacay Doonta ay kusoo ridday Diyarad ku dagaalka ah oo ah nooca loo yaqaan Apache helicopter oo sida uu sheegay loo malaynayo in ay leedahay dowladda Sacuudiga.

Muuqaalada sawirada laga qaaday goobta xasuuqu ka dhacay waxa ka muuqanaya Meydadka dadka Soomaalida ah oo daadsan xeebta banaankeeda iyo kuwa kale oo iyagoo dhaawacyo ah loo daad gureynayo goobaha caafimaadka.
Dhinaca kale Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga, ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in dadka la xasuuqay ay wateen warqado Aqoonsi, isla markaana kusii jeedeen dalka Suudaan.
Xukuumadda Sucuudiga iyo xulufada ay hoggaamiso, ayaan wax war ah kasoo saarin dhacdadaa foosha xun, mana aha markii u horaysay ee diyaaradaha xulufada Sucuudiga ee dagaalka ka wada dalka Yemen ay sidan oo kale dad shacab ah xasuuq u geystaan gudaha dalka Yemen iyo markinka caalamiga ah ee Bab al-Mandeb Strait.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post