X
    Categories: Warar

Maxkamadda Sare Oo Ganafka Ku Dhifatay Dacwad Kooxda Siyaasiyiinta Madashu Ka Gudbiyeen Golaha Guurtida Somaliland

Hargeysa(ANN)-Maxkamadda Sare ee Somaliland, ayaa ganafka ku dhufatay dacwad ay u gudbiyeen Dec 4th, 2019, Kooxda la baxday Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka Somaliland, taas oo ay kaga dacwoonayeen muddo kordhinta uu sameeyay Golaha Guurtida Somaliland iyo Sharciyadda uu waqtigan ku shaqeeyo.

Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka Xasan Guure Jaamac, 12 Dec 2019, Araweelo News Network.

Dacwadda kooxda Madasha oo maanta la hadlay warbaahinta markii ay heleen go’aanka ay Maxkamadda Sare ku laashay dacwadooda, ayaa sheegey in Maxkamaddu u adeegsatay socod-siinta dacadooda, iyadoo ku dooday in Magaca ay sitaan Kooxda Madasha aanu ahayn mid sharci ah.


Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka Xasan Guure Jaamac oo faah-faahin ka bixiyay go’aanka Maxkamadda Sare ku diiday dacwadda ay u gudbiyeen todobaadkii hore, ayaa yidhi, “Waxaan hortaaganahay Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah, waxaan usoo gudbinay dacwad ka dhan ah Golaha guurtida, anagoo u arkaynay in aanay dastuurka meela kaga qornayn in golaha guurtidu intaa fadhiyo, Maxkamaddu waxay dacwadayadii ku burisay magaca madasha oo ay tidhi maaha sharci, Maxkamaddu kama jawaabin nuxurka dacwadayadii ee waxay ka jawaabtay Ereyga Madasha, markaa haddii ereyga Madasha naga qaadayo xaqayagii Distooriga ahaa halkaas ayaanu dhignay Magacii Madasha, waxaanuna mar kale Maxkamadda dib ugu celinayanaa dacwadii anaga oo muwaadiniin ah.” ayuu yidhi, Muj. Xasan Guure.

Kooxda Madasha dacwadda ayaa u gudbiyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali Dec 4th, 2019, dacwad ay ku sheegeen inay kaga soo horjeedaan golaha guurtida oo ay ku tilmaameen mid aan sharci ahayn oo mudadiisii dhammaatay, isla markaana muddo-kordhin laba sannaood ah u sameeyay dhowaan markii lixaad golaha wakiillada Somaliland laba sannadood, iyagoo golaha guurtidu iyaguna isu kordhiyay muddo saddex sannadood ah Nov 24th, 2019.

Akhri: Siyaasiyiinta Kooxda La Baxday Madasha Oo Dacwad Ka Gudbiyay Sharciyadda Guurtida Iyo Go’aamadooda Muddo Kordhinta

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post