X
    Categories: Warar

Maxkamadda Sare Ee Somaliland Oo Dhaarisay Labadii Xubnood Ee ka Dhinnaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta madaxweynaha Jamhuuriyadda Somailand, Mudane Muuse Biixi Cabdi hortiisa ku dhaariyey labadii xubnood ee Komishanka doorashooyinka qaranka ka dhinnaa ee ka socday labada xisbi mucaarid ee Ucid Iyo Waddan.

 

Labadan xubnood ee komishanka doorashooyinka qaranka ka dhinnaa oo ay  todobaadkan gudihiisa ansixiyeen golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa la mariyey dhaarta Dastuuriga ah,  si  ay u gudo galaan una buuxiyeen kaalintooda xubinnimo ee mudada bannaanayd, horena ka bilaabaan shaqooyinka loo igmaday ee bulshadu ka sugayso.

 

Ugu danbayn waxaana madasha dhaartu ka dhacday goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Gudoomiyaha maxkamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, gudoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ee Ucid iyo Waddani, Mudane Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali Waraabe), Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere), Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Waddani Mudane, Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo La-taliyaha arrimaha doorashooyinka ee Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), iyadoo dhaartani ay sidaa ku soo afjaridoonto lagagana gudbidoono caqabadihii hortaagnaa xubnaha komishanka doorashooyinka qaranka.

 

Wa bilaahi tawfiiq

 

Nasir Yusuf Dahir

Director of the Presidential Media Department

Hargeisa – Republic of Somaliland

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post