X
    Categories: Warar

Maxkamadda Rafcaanka Maraykanka Oo Ganafka Ku Dhifatay Go’aankii Madaxweyne Trump

Araweelo News Network

Washington(ANN)- Maxkamadda Racfaanka Heer Federaal ee Maraykanka, ayaa ganafka ku dhufatay codsigii Xukuumadda Madaxweyne Donald Trump ku doonaysay in si dhakhso ah dib loogu dhaqan geliyo qaraarkii uu hore Madaxweyne Tramp ugu soo rogay dadka u dhashay Todoba dal oo Muslin ah, kaas oo dadka ku tarxiilayo.

Balse Jimcihii horjoogsaday Garsoore Heer Federaal ah, kaas oo gebi ahaanba laalay go’aankaa oo Xayiraaddiisu saamaysay dadka u dhashay todoba dal oo Muslim ah, isagoo Garsooraha iyo Qareenada kale ee amarkan diidanaa ay ku tilmaameen inuu yahay mid aan dastuuri ahayn, isla makaana dadka kala takoorayo.

Garsooraha Heer Federaal ah oo fadhiyay Maxkamad ku taal Seattle Washington ayaa dalabka qareennada dowladda hore ugu gacan saydhay kuwaas oo doodoodu ahayd in aanu isagu awood u lahayn inuu laalo qaraarka Madaxweyne Trump.
Waxaana socon waayay Rafcaan ay Xukuumadda Madaxweyne Trump ka qaadatay go’aanka Garsooraha laalay sharciyada xayiraada la saaray dadka u dhashay Todoba Dal oo Muslin ah.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post