Araweelo News Network

mudaharaadyotrumpWashington(ANN)- Maxkamadda Racfaanka Heer Federaal ee Maraykanka, ayaa ganafka ku dhufatay codsigii Xukuumadda Madaxweyne Donald Trump ku doonaysay in si dhakhso ah dib loogu dhaqan geliyo qaraarkii uu hore Madaxweyne Tramp ugu soo rogay dadka u dhashay Todoba dal oo Muslin ah, kaas oo dadka ku tarxiilayo.

Balse Jimcihii horjoogsaday Garsoore Heer Federaal ah, kaas oo gebi ahaanba laalay go’aankaa oo Xayiraaddiisu saamaysay dadka u dhashay todoba dal oo Muslim ah, isagoo Garsooraha iyo Qareenada kale ee amarkan diidanaa ay ku tilmaameen inuu yahay mid aan dastuuri ahayn, isla makaana dadka kala takoorayo.

Garsooraha Heer Federaal ah oo fadhiyay Maxkamad ku taal Seattle Washington ayaa dalabka qareennada dowladda hore ugu gacan saydhay kuwaas oo doodoodu ahayd in aanu isagu awood u lahayn inuu laalo qaraarka Madaxweyne Trump.
Waxaana socon waayay Rafcaan ay Xukuumadda Madaxweyne Trump ka qaadatay go’aanka Garsooraha laalay sharciyada xayiraada la saaray dadka u dhashay Todoba Dal oo Muslin ah.