X
    Categories: Warar

Maxkamadda Adduunka Oo Go’aan Ka Gaadhay Dacwad U Dhexaysay Dalalka Kenya iyo Soomaaliya

Araweelo News Network

Hague(ANN)- Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda Adduunka (ICJ) oo fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Holland, ayaa go’aan ka gaadhay dacwad la xidhiidha xuduudaha badda oo u dhexaysay waddamada Soomaaliya iyo Kenya.
Go’aan kasoo baxay ayey Maxkamadda ICJ ku aqbashay inay dhegaysato dacwad dawladda taagta daran ee Muqdisho gudbisay oo ku saabsan muran dhanka badda ah oo u dhexeeya dalalka Kenya iyo Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa hore ugu gacan-saydhay soo jeedin dawladda Kenya ku sheegtay in heshiis is-afgarad oo dhinacyadu wada gaadheen sannadkii hore uu yahay mid suurtogelin kara in labada dal ku heshiiyaan xadaynta badda.

Hase ahaatee, intii dhageysiga dawcaddu ka socday Maxkamadda ICJ, waxa caddaatay in labada dhinac si weyn ugu kala aragti duwan yihiin ujeedada laga lahaa heshiiskii is-afgarad ee maamullada Muqdisho iyo Nairobi hore uga gaadheen muranka xuduudka badda ee u dhexeeya.
Ugu dambayn, waxa ay labada dalba Maxkamadda Caddaaladda Adduunka horteeda ka sheegteen lahaanshaha dhul-badeed bedkiisu gaadhayo 142 kun km oo laba jibbaaran, waxaannu Maxkamadda ICJ ayidday codsi dawladda Soomaaliya ku dalbatay in maxkamaddu u kala xadayso xaduudda badda ee labada geesood si waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post