X
    Categories: Warar

Maxdaxweyne Siilaanyo Oo Soo Saaray Magcaabis Iyo Xeer Lagu Aasaasay Wakaaladda Horumarinta Khayraadka Xabkaha iyo Faleenka

Silanyo

Araweelo News Network

Madaxweyne Axmed Siilaanyo


WAR-SAXAAFADEED

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu xeer Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4859/062017 uu ku aas-aasay dhismaha wakaaladda horumarinta xabkaha iyo faleenka ee Jamhuuriyadda Somaliland, kuna magacaabay Maareeye iyo Maareeye ku xigeenka Wakaaladda Xabkaha iyo Faleenka.

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay: Qodobbada 90aad iyo 113aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Qodobka 63(3) ee Xeerka Kala Xadaynta Nidaamka Xukuumadda iyo Hay’adaha Madaxa Bannaan ee Xeer Lr. 71/2015;

Markuu Arkay: In khayraadka dabiiciga ah ee xabkaha iyo faleenka dalku kaalin mug leh ka qaadan karto horumarinta dhaqaalaha dalka;

Markuu Garwaaqsaday: In ay waajib tahay in Xukuumaddu kaalin weyn ka qaadato daryeelka iyo horumarinta khayraadka xabkaha iyo faleenka, si looga badbaadiyo saamaynta ay ku keeni karto isbeddelada dabiiciga ah ee cimillada iyo abaaruhu;

Markuu Garwaaqsaday: In ay Xukuumaddu hormuud ka tahay dhiiri-gelinta iyo horumarinta iskaashatooyinka wax soo saarka iyo ka ganacsiga xabkaha iyo faleenka, si kor loogu qaado dhaqaalaha bulshada;

Markuu Xaqiiqsaday: In loo baahan yahay in la abuuro fursadaha suuq-geynta xabkaha iyo faleenka, si kor loogu qaado ka ganacsiga khayraadka xabkaha iyo faleenka dalka;

Markuu Hubsaday: In Qaranku u baahan-yahay hay’ad dawladeed oo si gaar ah ugu xil-saaran horumarinta iyo ka ganacsiga khayraadka xabkaha iyo faleenka dalka;

Markuu Si Xeel Dheer: Ula tashaday dadweynaha iyo laamaha dawladeed ee ay khuseyso;

Wuxuu Soo Saaray;

Xeerkan oo lagu aasaasayo Wakaaladda Horumarinta Xabkaha iyo Faleenka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Qodobka 1aad
Dhismaha Wakaaladda

1) Waxa halkan lagu Aasaasay Wakaaladda Horumarinta Khayraadka Xabkaha iyo Faleenka oo yeelanaysa jiritaan qaanuuni ah, isla markaana u madax-bannaan hawleheeda shaqo iyo maaliyadeed, iyada oo u gudanaysa xilkeeda si waafaqsan dastuurka, xeerarka iyo siyaasadaha dalka.

2) Wakaaladda Horumarinta Xabkaha iyo Faleenku waxay hoos tagi doontaa Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah oo ku yeelan doonta awoodaha ay ka mid yihiin:

a) Kormeerka iyo dabagalka sida: Helidda war-bixinnada shaqada, maaliyadda, iyo u gudbinta Xukuumadda Dhexe odoraska sannad-miisaaniyadeedka Wakaaladda, ka dib marka ay masuuliyiinta Wakaaladdu u soo gudbiso.
b) Ka taakulaynta Wakaaladda diyaarinta qorshayaasha, siyaasadaha iyo kor u qaadidda xirfadaha iyo aqoonta hawl-wadeennada Wakaaladda.

Qodobka 2aad
Xilka iyo Waajibaadka Wakaaladda

Xilka iyo waajibaadka Wakaaladda Horumarinta Xabkaha iyo Faleenka waxa ka mid ah:
1) Dhaqan-gelinta siyaasadaha iyo mashaariicda horumarineed ee Xukuumadda ee lagu horumarinayo khayraadka xabkaha iyo faleenka dalka.

2) Dejinta qorshayaasha iyo halbeegyada shaqo ee Wakaaladda, si waafaqsan qorshaha iyo barnaamijyada guud ee Xukuumadda.

3) Dejinta qorshayaal iyo cilmi-baadhis lagama maarmaan u ah horumarinta iyo ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee xabkaha iyo faleenka dalka, iyada oo loo eegayo horumarinta xaga wax soo saarka, ka ganacsiga iyo suuq-gaynta.
4) Ku dhiiri-gelinta beeralayda iyo iskaashatooyinka wax soo saarka iyo horumarinta xabkaha iyo faleenka oo ku dhisan nidaam casriyeysan.
5) Dhismaha iyo abaabulka iskaashatooyinka ka ganacsiga khayraadka xabkaha iyo faleenka.
6) Ka hawl-gelidda iyo abuuridda suuqyada ganacsiga xabkaha iyo faleenka ee dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba.
7) Diyaarinta iyo u soo bandhigidda Xukuumadda qorshayaasha horumarinta ganacsiga xabkaha iyo faleenka dalka.
8) Diyaarinta iyo fulinta tallaabo kasta oo kale oo looga gol-leeyahay xaqiijinta ka faa’iidaysiga xabkaha, si loo hir-geliyo loona gaadho hiigsiga Xukuumadda ee koboca dhaqaalaha dalka.
9) Fulinta hawlaha kale ee Xeerka Dhismaha Wakaaladda iyo Xeerarka kale ee khuseeya ee awoodda siinaya Wakaaladda.

Qodobka 3aad
Maamulka iyo Qaab-dhismeedka

1) Wakaaladdu waxay yeelanaysaa Maareeye iyo Maareeye Ku-xigeen uu magacaabo Madaxweynuhu, ka dib marka uu la tashado Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah.

2) Qaab-dhismeedka iyo Awoodaha Wakaaladda, Xilka iyo Waajibaadka Maareeyaha, Maareeye Ku-xigeenka Wakaaladda iyo waxyaabaha kale ee lagama maarmaanka u ah, waxa lagu faah-faahin doonaa Xeerka Dhismaha Wakaaladda, si waafaqsan Qodobka 122aad ee Dastuurka iyo Qodobbada 64aad illaa 68aad ee Xeerka Kala Xadaynta Nidaamka Xukuumadda iyo Hay’adaha Madaxa Bannaan ee Xeer Lr. 71/2015.

Magacaabida Maareeyaha iyo Maareeye ku xigeenka

Ø Madaxweynuhu:

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Wakaaladda Xabkaha iyo Faleenku ee Jamhuuriyadda Somaliland u leedahay dhismaha iyo horumarinta Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo magacaabidda jagada Maareeyaha iyo Maareeye ku xigeenka Wakaaladda Xabkaha iyo Faleenka ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cabdillaahi Maxamed Jaamac (Caray), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Wakaaladda Xabkaha iyo Faleenka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

In Mudane, Axmed Maxamed Xasan (Baradho), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeye Ku-xigeenka Wakaaladda Xabkaha iyo Faleenka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Saxaafadda Madaxtooyada JSL, ahna
Ku simaha Af-hayeenka.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post