X
    Categories: Warar

Maxay Kaga Hadleen Golaha Wasiirada Somaliland Fadhigii Online-ka Ahaa Ee Madaxweyne Biixi Guddoominayay?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo guddoominaya shirka golaha Wasiirada oo Online lagaga qaybgalay, isagoo ku sugan xafiiskiisa qasriga Madaxtooyadda 7 May 2020, Araweelo News Network.

Maxay Kaga Hadleen Golaha Wasiirada Somaliland Fadhigii Online-ka Ahaa Ee Madaxweyne Biixi Guddoominayay?

Hargeysa(ANN)-Fadhigii golaha wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ku qabsoomay habka maqalka iyo muqaalka, iyadoo golaha wasiirradu shirka kaga qaybgaleen, iyagoo jooga xafiisyadooda, taas oo ka mid ah talooyinka caafimaad ee xanuunka Covid-19.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland,  Isla markaana ah Afhayeenka Xukuumadda Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) oo shirka golaha Wasiirada qaabka Online uga qaybgalay, isagoo ku sugan xafiiskiisa 7 May 2020, Araweelo News Network.

Waxaana shirkaasi lagaga wada hadlay Xannuunkan dunida saameeyey ee Covid-19, xoojinta go’aankii hore ee lagu joojiyey qaadka muddo kooban, sidii ay dalka u soo gaadhi lahaayeen daawooyinka iyo mucaawimooyinka Somaliland loogu talo-galay ee ay ku soo deeqayaan muwaadiniinta Somaliland ee hantida leh iyo dalalka daneeya Jamhuuriyadda Somaliland, iyo dardar gelinta hannaanka wacyigelineed ee xanuunka safmareenka ah ee Coronavirus.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo shirka golaha Wasiirada qaabka Online uga qaybgalay, isagoo ku sugan xafiiskiisa 7 May 2020, Araweelo News Network.

Markii shirka Online-ka ee golaha Wasiirada Somaliland soo xidhmayna waxa faah-faahin ka bixiyey afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac.

Hlkan ka daawo shirka golaha Wasiirada Somaliland oo qaab Online ah uga qaybgalay shirkii golaha Wasiirada 7 May 2020.
admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post