X
    Categories: Warar

Maxay Ka Wadda Hadleen Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Iyo Culimada Ahlu-suna Waljameeca?

Hargeysa(ANN)Wasiirka Wasaaradda Arimaha Guddaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cade ayaa maanta kulan la yeeshay Xubno ka mida Culimada Waaweyn ee Ahelu Suna Waljameeca ee magaalada Hargeysa.
Wasiirka ayaa hore ugu ballan qaaday Culimada Ehelu Suna Waljameeca. kaddib cabashooyin la rumaysan yahay inay ka dhasheen guddi xukuumaddu samasyay oo Culimo ah, taas oo ay Jameecadda Ahlu-suna waljameeca gaashaanka ku dhufteen, isla markaana kulan arrintaa la xidhiidha Wasiirka Arrimaha Gudduha Cali Waran-cade ugu qorsheeyay maanta ku beegnaa.

Balse kulanka Wasiirka iyo xubnaha Culimada ayaa dib loo riixay maalinta beri, iyadoo xubnaha Culimada iyo wasiirku aanay wax baddan iska weydiin ujeedada arrimihii kulankaa lagu faaqidi lahaa, isla markaana Wasiir Cali Waran-cade ayay Culimada Qaarkeed Saluug weyn ka muujiyeen Qaabka uu u qaabiley.

Kulanka maanta dib u dhacay ee ay lahaayeen Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland iyo Culimada Ehelu Suna Waljameeca ayaa u jeedadiisu la xidhiidhay Adkaynta Amaanka iyo midaynta culimada iyo mad-habta Dalka ku dhaqanka diinta islaamka. sidoo kale waxa la filayay in lagu soo qaado ilaalinta dalka iyo dadka iyo in laga saaro waxyaabaha fikiradaha qaldan ee aan sharciga islaamka meela kaga jirin .

Culimadan ayaa Wasiirka ku adkeeyey in aanu dhayalsan kulankooda iyagoo xusay in la kulankoodu dalka iyo dadkaba Muhiimad gaara u leeyahay Waxaana Culimadii halkaasi ka hadashay ka mid ahaa, Sayid Maxamed Sayid Cabdilaahi X.Cilmi, Sh.C/raxmaan Yaasiin iyo Sh.Axmed Caabi Cabdi.

Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post