X
    Categories: Warar

Maxay Ka Wadahadleen Somaliland Iyo Midawga Yurug Xiligan?

Brussels (ANN)Xukuumadda Somaliland iyo Midawga Yurub, ayaa ka hadashay wadahadal ay la yeesheen midawga Yurub oo ujeedadiiisu ahayd arrimo la xidhiidha hannaanka dimuqraadiyadeed iyo doorashooyinka Somaliland, dhismaha jidka isku xidha Berbera iyo Itoobiya, xasiloonida guud ee ka taagan dalka iyo qodobo kale oo muhiim ah.
Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Somaliland Mawliid Maxamuud Ibraahim oo magaalada Brussels ee dalka Belgium kulan kula yeeshay Agaasimaha Midawga Yurub u qaabilsan arrimaha Afrika Mr. Koen Versaek, ayaa kala hadlay arrimo badan oo khuseeya xidhiidhka labada dhinac iyo kaalmooyinka kala duwan ee EU-du u fidiso Somaliland.

Sidaana waxa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland xalay, kaasoo u qornaa sidan;

“Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Mawliid Maxamuud Ibraahim ayaa la kulmay Agaasimaha Midawga Yurub u qaabilsan arrimaha Afrika Md. Koen Versaek. Kulankan oo Wasiir-ku-xigeenka uu ku wehelinayay Safiirka Somaliland u fadhiya waddanka Belgium Md. Maxamed Cabdi Dacar, halka dhinaca kale Agaasimaha Afrika ee EU-da ay wehelinayeen madaxda kala ah Dilarde Teilane oo qaabilsan Geeska iyo Bariga Afrika iyo Pauline Torehall oo qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya.

Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda  Mawliid Maxamuud Ibraahim ayaa ugu horayn uga mahadceliyay sida fiican ee Midawga Yurub uga taageero Somaliland dhinacyada dimuqraadiyadda iyo arrimaha doorashooyinka, mashaariicda waxqabad iyo houmar sida dhinaca biyaha, Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF), tababarada ciidanka Ilaalada xeebaha Somaliland, Berbera Corridor (dhismaha waddada isku xidhaysa Berbera iyo Itoobiya) iyo barmaamijyada ku jira qorshaha New Deal (Somaliland Arrangement) guud ahaan.

Waxa Wasiir-ku-xigeenku warbixin faahfaahsan ka siiyay Midawga Yurub xaaladda guud ee nabadgelyada dalka Jamhuuriyadda Somaliland, geedi-socodka horumar ee waddanka, arrimaha doorashooyinka, kartida iyo garashada wanaagsan ee dadka reer Somaliland u leeyihiin xallinta khilaafaadkasta oo u yimaad iyo hannaanka ku dhisan ka wadahadalka arrimaha khuseeya, isu tanaasulka, is-qancinta iyo ka wadashaqaynta danaha caamka ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo Wasiir-ku-xigeenku masuuliyiinta Midawga Yurub u sheegay in ictiraaf ay Jamhuuriyadda Somaliland ka hesho beesha caalamka uu noqon lahaa mid wax weyn ka tara horumar buuxa iyo isku filaansho ay dadka reer Somaliland gaadhaan, isla markaana dan iyo maslaxad ugu jirto deganaanshaha mandaqadda Geeska Afrika iyo horumarka gobolka guud ahaan.

Kulankaa oo qaatay muddo 45 daqiiqo ah ayaa ku soo xidhmay jawi is afgarad iyo is fahan buuxa leh, waxaannu wasiir-ku-xigeenku wax badan uga iftiimiyey masuuliyiinta Midawga Yurub arrimaha khuseeya Jamhuuriyadda Somaliland,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post