X
    Categories: Warar

Maxay Ka Wada Hadleen Madaxda Dawladda Federaalka Ah Iyo Maamul Goboleedyada Ku Shiraya Muqdisho

Araweelo News Network

President Farmajo wore a military uniform photo file

Muqdisho(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ka wajiga labaad ee shirka u dhaxeeya Madaxda Dowladda dhexe iyo kuwa Maamul Goboleedyada shir gudoomiyay.

Shirkaa oo ay ka qeyb gelayaan Madaxda Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada waxaa lagaga hadlay xoojinta wada shaqeynta iyo xalinta arrimaha taagan ee labada dhinac, dardar gelinta Nabadgelyada iyo waxa loogu yeedhay cidhibtirka Argagixisada, Horumarinta hanaanka Federaaleynta dalka, Geedi socodka Doorashada hal qof iyo hal cod ah ee 2020 iyo arrimo kale.

 

Warar ku dhow dhow  Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegy in Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya,  u sheegay Madaxda in maanta ay si gaar ah uga doodi doonaan arrimaha amniga, kadib markii ururka Al-shabaab maalmihii danbeeyY ay magaalada Muqdisho ka geysanayeen falal lidi ku ah amniga.

Gaba gabada shirkan ayaa  la filayaa in la soo saaro war murtiyeed ay ku cad yihiin waxyaabaha ay ka wada hadleen Madaxda Dowladda dhexe iyo maamul Goboleedyada ee ka qeyb gelaya shirkan.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Puntland Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadam, Madaxweynaha Hirshabelle Maxaned Cabdi Waare iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Taabit Cabdi Maxamed.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post