X
    Categories: Warar

Maxay Ka Doodeen Golaha Wasiiradda Somaliland?

Kal-fadhigii 43-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland 12 Oct 2019

Hargeysa(ANN)-Kal-fadhigii 43-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo ahaa mid aan caadi ahayn oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa lagu gorfeeyey hirgelinta nidaamka E-Government (Somaliland E-government system).

Kal-fadhigii 43-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland 12 Oct 2019, qasriga Madaxtooyadda Somaliland

Wasaaradda isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda,  ayaa golaha wasiirrada u soo bandhigtay hirgelinta nidaamka E-government oo ah barnaamij hufan oo deg-deg ah kaasoo dhammaan adeegga dawladda u beddelaya habka horumarsan ee casriga ee la jaanqaadaya Tignoolajiyadda casriga ah (Electronic Government), si dawladda Somaliland ula jaanqaaddo horumarka Tiknoolajiyadda, waxana barnaamijkani uu ka qayb-qaadan doonaa horumarka dhaqaalaha, fidinta adeegga bulshada, ka faa’iidaysiga Tiknoolajiyadda, daah-furnaanta shaqada, maamul daadejinta shaqooyinka, xaddidaadda kharashaadka  haatan dawladda kaga baxa Tiknoolajiyada, keydinta iyo ilaalinta badqabka xogta dawladda  iyo fududaynta macluumaadka sharciga, wuxuuna isku xidhidoonaa hay’adaha laamaha dawladda isagoo midaynaya wasaaraddaha shaqo wadaagga leh.

Barnaamijkan hirgelinta nidaamka E-Government waa markii u horraysay ee laga hirgelinayo dalka Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo muujinaysa heerka horumarsan ee Somaliland ka marayso dhanka Tiknoolajiyada casriga ah ee dunidu u guurtay.

Golaha wasiirradu waxay go’aamiyeen in guddi loo saaro hirgelinta nidaamkan E-Government, in dhammaan hay’addaha laamaha dawladdu yeeshaan waaxo u gaar ah ICT-ga (Information Communication Technology), sidoo kalena lagu daro manhajka waxbarashada ee dalka waxana  nidaamkan E-Government uu qayb ka ahaa barnaamij siyaasadeedkii xisbiga Kulmiye, isaga oo    waafaqsan qorshaha labaad ee horumarinta qaranka (NDPII).

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Nasir Yusuf DahirDirector of the Presidential Media DepartmentHargeisa – Republic of Somaliland

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post