X
    Categories: Warar

Maxay Ahayd Fariinta Madaxweyne Biixi U Timi Ee Ethiopia Shaacisay?

Somaliland President Musa Bihi Abdi and UN Special Representative James Swan during visit to Hargeisa -9 January 2020, Araweelo News Network.

Addis- Ababa(ANN)-Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalka Ethiopia, ayaa sheegtay in wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay Danjire James Swan uu farriin gaar ah gaadhsiiyay Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi.

Warbixinta toddobaadlaha ah ee ‘Week In the Horn’ oo ay wasaaradu soo saarto todobaad kasta, waxay ku sheegtay in James Swan, oo 10-kii bishan Jenaweri booqasho ku yimi Somaliland uu Madaxweynaha u sheegay farriin sheegaysa in Qaramada midoobay ay taageerayso hindise ujeedadiisu tahay; in kalsooni laba geesood ah laga dhex abuuro Somaliland iyo Soomaaliya. Isla markaana la dhiirrigeliyo wada hadalladii u dhexeeyey labada dhinac.


Warbixin ay wasaaraddu kaga warramaysay xaaladihii u dambeeyey ee gobalka Geeska Afrika, ayaa waxay ku sheegtay in ergeyga gaarka ah ee qaramada Midoobey uu sida oo kale madaxweyne Muuse Biixi Cabdi gaadhsiiyey, in Qaramada Midoobay ay soo dhoweynayso hindiseyaashaas lagu dhisayo kalsoonida labada dhinac iyo wada hadallo ay bilaabaan Hargeysa iyo Muqdisho.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada midoobey ayaa warsaxafaadeed uu soo saaray intii uu ku sugnaa magaalada Hargeysa, waxa uu kaga hadlay isla arrintan, laakiin tafaasiil kama uu bixin hindisaha wadahadallada cidda wadata iyo waqti cayiman oo la fili karo in ay bilowdaan, sida oo kale ma’ uu sheegin in Qaramada midoobey ay iyadu wadahadallada dambe maamuli doonto.

Dhinaca kalana warka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa lagu sheegay lixdii nin ee ay xukuumadda Somaliland ku fulisay xukunka dilka ah toddobaadkan in ay ku jireen laba xubnood oo lagu helay dembiyo la xidhiidha argagaxiso, laguna eedeeyey in ay xubno ka ahaayeen ururka Alshabaab. Laakiin may sheegin magacyada labada nin iyo kiisaska tooska ah ee lagu eedeeyey.

15-kii bishan Jenewery ayaa ay xukuumadda Somaliland xukun dil qisaas ah ku fulisay lixda marxuum. xeerilaalinta guud ee Somaliland, ayaa ka war ay kasoo saartay dilka xukunsugayaashaas ku sheegtay magacyadooda iyo magacyada lixda qof ee ay maxkamaddu ku heshay in ay dileen.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post