X

Maxamuud Xaashi Oo Shaaciyay Mawqifkiisa Muranka Furista Ururrada Iyo Doorashada Madaxtooyadda

Maxamuud Xaashi Cabdi Image file Araweelo News Network, 6 September 2016

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan mowqifkiisa  ku waajahan furista ururadda siyaasadda Somaliland iyo khilaafka ka dhashay.

Maxamuud Xaashi, wuxuu sidoo kale ka hadlay doorashada Madaxtooyadda, isagoo tilmaamay murranka ka dhashay arrimahaa iyo sida uu rayi ahaan u arko in lagaga bixi karo khilaafka xilligan.

Qoraal dheer oo uu kaga hadlay arrimahaa iyo kuwo kale, ayuu si taxane ah ugu baahiyay barta uu lu leeyahay Facebook, wuxuuna si badheedha ah u muujiyay inuu taageersan yahay xeerka furista ururadda siyaasadda,  kaas oo uu ku tilmaamay in xilligii dastuurku waajibiyay la joogo sababo dib u dhigi karaana aanay jirin, sida uu ku xaqiijiyay qoraal taxane ah.

Dhinaca kale, Siyaasiga Maxamuud Xaashi, ayaa qiray inay gar tahay in xilligii loo asteeyay doorashada madaxtooyadda la qabto oo ay xilligeeda ku qabsoonto, sida dastuurku.

Qoraalkiisa, ayuu ku bilaabay sidan: – “Mudooyinkii u danbeeyay somaliland, waxa ka taagnaa khikaafka dhanka sharciga ee xeerka furista ururadda siyaasadda dalka, kaas oo xukuumadda iyo asxaabta mucaatadku ku kala aragti duwanaayeen .

Muranka iyo is maandhaafku, waa wax caado iyo curfi  u ah siyaasadda. In aynu ku kala argati duwaanano arrimaha faraca ah ee siyaasadda, ma’aha mid ugub ah, balse waa mid curad ah oo aynu u leenahay waayo-aragnimo balaadhan. Marka ay Nolosha jirto kala aragti duwanaansho, ayaa la helaa xalka iyo aragtida saxda ah. Taa micnaheedu ma’aha in aan dhiiri gelinayo, in ay ummaddu is khilaafto ama kala aragti duwanaato had iyo jeer. Hore ayaan u idhi halku dhig Arrintan ka turjumaya, kaas oo u dhigan sidan (muhiim maaha in aynu wax kasta ku midoowno, balse waxaa muhiim ah in aynaan wax kasta isku khilaafin).

Marka aan u imaado arrintan furista ururada siyaasiga ah, ee ay ku kala aragti duwanaadeen golihii wakiilada iyo sadexdii xisbi qaran iyo xukuumadii. Marka aad dhagaysato dooda labada dhinac, waxaa hubaal ah in uu murankani salka ku hayo masalo sharci. Khilaafyada la xidhiidha arrimaha sharcigu, waa kuwo ka duwan sida loo xaliyo arrimaha kale ee la xidhiidha dhaqanka ama dhacdooyinka kale ee siyaasiga ah. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa garna garteed baa lagu doonaa, Mandheerna garkeed baa lagu doonaa.

Sidaa darteed, khilaafyada sharci iyo muranada la xidhiidha xeerarka ka soo baxa goloyaasha, waxaa awood sharci u leh in ay ka gar naqdo ama fasirto maxkamada sare, oo ah maxkamada dastuuriga ah,  sida uu dhigayo dastuurka qaranka qodobkiisa 98aad iyo 101aad. Haddaba, waxaan xal u arkaa in maxkamadda loo dabo fadhiisto, ka gar niqida dacwadan lagu kala aragtida duwan yahay.

Laxidhiidha: Siyaasi Maxamuud Xaashi Oo Faaqiday Mawaadiic Siyaasadeed, Dhaqaale iyo Kuwo Collaadeed

Aragtiday shaqsiga ah markaan is dul taago, ee ku aadan nuxurka khilaafkan. Aragtida ah ha la furo ururada siyaasiga ah, maadaama ay gaadhay toban guuradoodii, waxaan u arkaa gar.

Dhinaca kale, aragtida ah waa in doorashadii madaxtooyadu ku dhacdaa xilligeedii, waxaan iyana u arkaa gar. Ugu danbayn, waxaan ku boorinayaa dhinacyada daneeyayaasha ah ee murankani u dhaxeeyo, in ay u hoggaansamaan go’aanka maxkamadda, isla markaana ka daayaan gujada iyo ganista.

Guntii iyo gabagabadii, sannadkii aynu sagootinay waxaa ugu xiiso badnaa buugtii aan akhriyay kuwan hoos ku qoran.
1. A woman of firsts, Adna Adan Ismail.
2. Hawaale-waran, Maxamed Ibraahim Warsame.
3. War Jire, Axmed Siciid Cige.
4. Why nations fail, by Daron Acemoglu and James Robinson.
5. Fear: Trump in the White House. By Bob Woodward.
6. و اخيراََ اكتشفت السعادة.   للدكتور عائض القرني
7. The Truth about leadership, by Jame M. Kouzes and Barrys Posner

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post