X

“Maxamuud Xaashi Go’aanka Xisbiga Lagaga Saaray Wuxuu Madaxweyne Biixi Ku Noqonayaa Waran” Siyaasi Cali Gurey

Araweelo News Network.

“Madaxweynuhu dhabarka ayuu taabtay Kaahin iyo Gaafaadhiba inuu Kulmiye ku wareejinayo, sidaasina….” Cali Gurey.

Hargeysa(ANN)-Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa ka hadlay go’aanka Xisbiga KULMIYE, lagaga saaray Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi iyo saamaynta kaga imankarta tallaabadaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, isla marakana ah Guddoomiyaha Xisbiga.

Siyaasiga Cali Gurey, wuxuu ku tilmaamay go’aanka mid aan laga fiirsan oo ku noqon doona Madaxweyne Biixi waran kusoo nooqnaya.

“Maxamuud Xaashi iyo aniguba waxaan ka mid ahayn aasaasayaashii Xisbiga KULMIYE, Muuse wuu noogu yimi, Maxamuud waa Ninkii dhisay Madaxweynaha, waxaad eegtaa Cirro, isagoo aan Madaxweyne noqon ayuu Xisri iyo Cabdirisaaq Khaliif laba guddoomiye ka dhigay, hadduu Madaxweyne noqon lahaana maxaad u malanay.”

 

Cali Gurey, wuxuu sidaa ku sheegay waraysi uu maanta siiyay telefishanka BulshiTV, isagoo Madaxweyne Biixi ku tilmaamay Nin aan Maxamuud Xaashi oo keliya ka abaaldhicin oo sidaa u geline qof walba oo irbad dhuub u geliyay la dagaalamay.

Sidoo kale ka hadlay mustaqbalka Xisbiga KULMIYE, oo sida uu sheegay isaga Maxamuud Xaashi ka mid ahaayeen aasayaashii, isagoo tilmaamay xaalka uu xilligan ku suganyahay Xisbiga KULMIYE.

Laxidhiidha: Xisbiga Mucaaradka Ee WADDANi Oo Ka Hadlay Natiijadda Ka Dhalanay In Siyaasiga Maxamuud Xaashi Laga Saaro KULMIYE

Dhinaca kale, Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), wuxuu sharaxaad ka bixiyay guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo dhowaan ay soo baxday in Madaxweyne Biixi wareejinayo, iyadoo wasiirka Arrimaha guddaha Maxamed Kaahin oo ah guddoomiye ku xigeenka Koowaad sheegay in isaga lagu wareejinayo.

Lxidhiidha: Maxamuud Xaashi Oo Ka Hadlay Mawqifka Isaga Iyo Saaxiibadii Ee Siyaasada Kaddib Go’aanka KULMIYE

Hase yeeshee waxa markaa kaddib si cad u sheegay in uu ku tartamayo guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Wasiirka Caafimaadka Somaliland, Dr. Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi, wuxuuna Siyaasiga Cali Gurey sheegay in uu maqlay in Madaxweynuhu dhabarka taabtay labada wasiirba.

 

Daawo Muuqaalkan Siyaasiga Cali Gurey oo arrimahaa ka hadlaya.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post