Araweelo News Network
Sucuudiga: Maxamed Bin Salmaan Oo Safaro Qarsoodi Ah Ku Tegey Israel.
Waa kuma Maxamed Bin Salmaan (MBS)
Dhax -sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan, ayaa dhawaanahan dhowr jeer booqasho ku tagay Israa’iil, sida ay tabiyeen warbaahinta Bariga Dhexe.
Dadka indhaindheeya xaaladda gobolkaas ayaa aaminsan in xiriir qarsoodi ah uu horay uga dhaxeeyay Sacuudiga iyo Israa’iil, laakiin ilaa hadda ma jiraan safarro la xaqiijiyay ilaa hadda.
Warka ku saabsan Booqashooyinka qarsoodiga ah ee Maxamed Bin Salmaan waxaa laga shaaciyay Al Mayadeen TV, oo la hadlay saraakiil ka tirsan laamaha amniga Israa’iil.
Hase yeeshee lama magacaabin saraakiisha reer Israa’iil ee telefishinka laga warrayystay.
“Warar la xidhiidha arrimaha dibadda ayaa sheegay in Maxamed Bin Salmaan uu ku istareexay qorraxda magaalada Tel Avid, dhowr jeer,” ayuu telefishinka ku yiri sarkaal horay uga tirsanaa hay’adda amniga Israa’iil ee lagu magacaabo Shin Bet.
Warbaahinta Iran ayaa sidoo kale aad u hadal heysa sheekadan.
Sacuudiga ayaa lagu yaqaannaa in uusan Israa’iil u dhaleeceynin sida ay u dhaliilaan Iiraan iyo Turkiga.
Maxamed Bin Salmaan ayaa loo arkaa inuu daaha-dabadiisa a ka maamulo Boqortooyada Sacuudiga
Marka la eego Sacuudiga dibaddiisa, dad kooban ayaa yaqaannay magaca Maxamed Bin Salman Aala Sucuud, ka hor inta uusan aabihiis boqorka noqonin sannadkii 2015-kii. Balse hadda, 33 jirkan dhaxal sugaha boqortooyada ah waxaa loo aqoonsan yahay inuu yahay qofka rasmiga ah ee gacanta ku haya maamulka waddanka dhoofiya saliidda ugu badan ee caalamka.
Wuxuu hantay qalbiyada hogaamiyeyaasha reer galbeedka ka dib markii uu ku dhaqaaqay tallaabooyin uu isbaddallo uga sameeyay Sucuudiga, oo ah waddan sharci adag, waxaana isbadalladaas ka mid ahaa xayiraaddii uu ka qaaday gaari wadista dumarka iyo dadaalkii uu ku raadinayay sidii loo ballaarin lahaa dhinacyada kala duwan ee dhaqaalaha.
Laakiin waxaa si weyn loogu dhaliilay arrimo ay ka mid yihiin:-
- Dagaalkii uu ku qaaday dalka dariska la ah ee Yemen, kaasoo sababay xadgudubyo waaweyn oo bani’aadannimo.
- Inuu billaabay muranka siyaasadeed ee Qadar iyo Sucuudiga, oo kala qeybiyay midnimadii golaha iskaashiga khaliijka ee (GCC).
- Inuu xoojiyay howlgalka adag ee ka dhanka ah dadka ka soo horjeeda siyaasadda Sucuudiga.
Xitaa waxaa isa soo taraya talooyinka ku saabsan in laga baddalo xilka uu hayo ee ah dhaxal sugaha boqortooyada, wixii ka dambeeyay markii uu soo shaac baxay dilka Jamaal Khaashuqji oo ahaa wariye caan ah oo ka soo horjeeday siyaasadaha Sucuudiga.
Xubno ka tirsan sirdoonka Sucuudiga ayaa la rumeysan yahay in ay Khaashuqji ku dileen gudaha qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, horraantii bishan Oktoobar ee 2018-ka.
Waa kuma Maxamed Bin Salmaan (MBS)
Maxamed Bin Salmaan wuxuu magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga ku dhashay 31-kii bishii Agoosto ee sannadkii 1985-kii.
Wuxuu ahaa wiilka curadka ah ee uu dhalay boqor Salmaan Bin Cabdul Casiis Aala Sucuud oo xilliga uu Maxamed dhalanayay ahaa mid ka mid ah dhaxal sugeyaasha boqortooyada.
Hooyadiis waa xaaska saddexaad ee boqor Salmaan, waxaana lagu magacaabaa Fahdah bint Falah bin Sultan.
Ka dib markii uu shahaadada 1aad ee waxbarashada jaamacadeed ka qaatay Jaamacadda King Saud ee ku taalla magaalo madaxda Sucuudiga ee Riyaad, wuxuu ka soo shaqeeyay hay’ado kala duwan oo ay leedahay boqortooyada.
Sannadkii 2009-kii, waxaa loo magacaabay inuu la taliye khaas ah u noqdo aabihiis, oo xilligaas ahaa Duqa magaalada Riyaad.
Maxamed Bin Salman ayaa awoodda boqortooyada lugta la soo galay sannadkii 2013-kii, markaasoo loo magacaabay madaxa qasriga dhaxal sugaha boqortooyada, isagoo darajadiisu ay ahayd heer wasiir.
Sannadkii ka horreeyay ee 2012-kii, ayaa aabihiis loo xushay inuu noqdo dhaxal sugaha taajka boqortooyada, ka dib geeridii Nayef bin Cabdul Casiis, oo ahaa qofka dhaxalka xilkaas ugu sokeeyay.
Bishii Janaayo ee sannadkii 2015-kii ayuu geeriyooday boqor Cabdalla bin Cabdul Casiis, Salmaan ayaana xilka boqortooyada la wareegay isagoo markaas ay da’diisu ahayd 79 sano.
Boqorka cusub ayaa si deg deg ah u sameeyay labo go’aan oo ay la yaabeen dadka kormeera xaaladda maamulka boqortooyada, ka dib markii uu wiilkiisa ka dhigay dhaxal sugaha ugu sokeeya ee taajka ahna wasiirka gaashaandhigga, halka wiilka uu adeerka u yahay ee Maxamed Bin Nayef uu ka dhigay ku xigeenka dhaxal sugaha boqortooyada.
Maxamed Bin Nayef ayaa markaas ahaa qofka xiga ee mudnaanta ku leh taajka.
Warqadda lagu qeexay go’aannadaas ayaa noqotay tii ugu horreysay ee xilka dhaxal sugaha boqortooyada loogu kala wareejiyo wiilashada uu awoowga u yahay Ibnu Sacuud, oo ah ninkii aasaasay boqortooyada.
Mid ka mid ah tallaabooyinkii ugu horreeyay ee uu Maxamed Bin Salmaan qaaday markii uu noqday wasiirka Difaaca waxay ahayd inuu bishii Maarso ee sannadkii 2015-kii dagaal ku qaaday waddanka Yemen, isagoo taageero ka helayay dalal kale oo carabeed.
Dagaalkaas ayaa yimid ka dib markii kooxda fallaagada ah ee Xuutiyiinta, oo ay Sucuudigu aaminsan yihiin inay Iiraan ka dambeyso, ay xoog kula wareegeen magaalo madaxda Yemen ee Sanca, isla markaana ku khasbeen madaxweyne Cabdulrabbu Mansuur Haadi inuu dalka dibaddiisa u baxsado.
Weerarka Sucuudiga uu ku qaaday Yemen ayaa horumar aad u yar sameeyay muddo saddex sano iyo bar ah oo la soo dhaafay.
Wuxuu xitaa sababay in Sucuudiga iyo xulafadiisa lagu eedeeyo iney geysteen dambiyo dagaal oo ka dhan ah bani’aadannimada, ayna malaayiin ruux oo rayid ah ku kallifeen iney noloshooda ciriiri gasho.
Bishii Abriil ee sannadkii 2015-kii, boqor Salmaan ayaa isbaddallo kale ku sameeyay kala horreynta xilka boqortooyada, isagoo Maxamed Bin Nayef u magacaabay dhaxal sugaha taajka, halka uu wiilkiisana u magacaabay xilalka kala ah ku xigeenka dhaxal sugaha taajka, raysul wasaare ku xigeenka labaad iyo madaxa golaha dhaqaalaha iyo horumarka.
Hal sano ka dib, Maxamed Bin Salmaan ayaa shaaca ka qaaday inuu damacsan yahay qorshe uu isbadallo dhaqaale ugu sameyn doono Sucuudiga, si uusan mar walba ugu tiirsanaanin dhoofinta Saliidda.
Qorshahaas oo lagu magacaabay hiigsiga 2030-ka ayaa dhigayay in la kordhiyo dakhliga ka soo xarooda ganacsiyada aan saliidda ahayn, oo 2020-ka la gaarsiiyo lacag dhan 600 oo bilyan oo riyaal oo u dhiganta $160 bilyan oo doolar ama 123 bilyan oo gini, waliba marki la gaaro 2030-ka la gaarsiiyo lacag dhan 1 tirilyan oo riyaal.
Lacagtaas ayaa 165.5 bilyan oo riyaal ka badan dakhligii soo xarooday sannadkii 2015-kii.
Amiirka ayaa sheegay inuu doonayay sidii uu u abuuri lahaa hantida ugu badan caalamka oo gaareysa $ 3 tirilyan oo doolar, iyadoo lacagtaas qaarkeedna ay ka imaaneyso shirkadda Saliidda ee dowladda, oo lagu magacaabo Saudi Aramco, marka laga dhigo mid si gaar ah loo leeyahay.
Qorshahaas ayaa sidoo kale dhigayay in wax laga baddalo hannaanka waxbarashada, isla markaana la kordhiyo doorka ay haweenka ku leeyihiin shaqooyinka, sidoo kalena la maalgaliyo ganacsiga iyo madadaalada, si shaqooyin loogu abuuro dhallinyarada.
Bishii Abriil ee sannadkii 2017-kii ayey boqortooyada ku dhawaaqday qorshe ku aaddan in la sameynayo magaalo ay baaxaddeeda le’eg tahay 334 sq km (129 sq mile) oo loogu tala galay madadaalada.
Magaaladaas ayaa la sheegay in laga dhisi doono cirifka magaalada Riyaad, ayna yeelan doonto howlo isugu jira dhaqanka iyo ciyaaraha – oo ay u sii dheer tahay xarun loo dalxiis tago oo lagu xannaaneeyo xayawaanka.
Amiirka ayaa sidoo kale horseed ka ahaa cunaqabateyntii ay dalalka khaliijka saareen waddanka Qadar, oo uu Sucuudiga ku eedeeyay inuu gacan siiyo kooxaha argagixisada, isla markaana faragalin ku sameeyo arrimaha dalalka kale.
Tallaabadaas waxaa Sucuudiga ku wehlinayay dalalka Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Masar, waxaana markii ugu horreysay la billaabay bishii Juun ee sannadkii 2017-kii.
Boqortooyada Qadar ayaa iska fogeysay eedeymaha loo jeediyay waxayna ku gacan seyrtay liis ay ku qornaayeen dalabaad lagu xiray dib u soo noqoshada xiriirkii diblomaasiyadeed iyo kii ganacsi ee ay la wadaageysay dalalka kale ee khaliijka, arrintaas ayaana horseedday is mariwaa aan wali xalkiisa la gaarin.
Dabayaaqadii bishii Juun ee sannadkii 2017-kii, boqor Salmaan ayaa soo af jaray xan socotay dhowr bilood oo ku aaddaneyd inuu mar kale xilka dhaxal sugaha koowaad ee taajka boqortooyada ka baddali doono Maxamed Bin Nayef, si uu wiilkiisa ugu dhiibo.
Si rasmi ah ayuu ugu dhawaaqay inuu Maxamed Bin Salmaan yahay qofka ugu sokeeya ee ka dhaxli doona qasriga.
Maxamd Bin Nayef ayaa sidoo kale markaas laga qaaday xilkii wasiirka arrimaha gudaha, oo loo magacaabay wiilka ay ilma adeerka yihiin, waxaana lagu soo warramay in la galiyay xabsi guri.
Xilligaas wixii ka dambeeyay, Maxamed Bin Salmaan ayaa qaadayay tallaabooyin uu kusii xoojinayay awoodda uu ku leeyahay qasriga boqortooyada.
Isla markiiba wuxuu yareeyay lacago isugu jiray gunnooyin, abaal marinno iyo maamuus la siin jiray shaqaalaha dowladda iyo ciidamada.
Lacagahaas oo ay boqortooyada billowday sannadkii 2016-kii ayuu ku tilmaamay kuwo hoos u dhigaya dhaqaalaha dalka.
Bishii Siteembar ee sannadkii 2017-kii, waxaa la billaabay howlgal ka dhan ah dhammaan dadka ka soo hor jeeda hannaanka siyaasadeed ee dhaxal sugaha.
In ka badan 20 ruux oo isugu jira wadaaddo iyo aqoonyahanno ayaa xabsiga la dhigay, xilli ay ciidanka Sucuudiga sheegeen iney bartilmaameedsanayeen dad wakiillo u ah dalal dibadda ah, oo doonaya in khalkhal la galiyo ammaanka boqortooyada.
Dabayaaqadii isla bishaas, Maxamed Bin Salmaan ayaa loo xagliyay inuu mas’uul ka yahay isbaddal uu boqor Salmaan ku dhawaaqay, oo la xiriiray in bisha Juun ee sannadka 2018-ka meesha laga saari doono go’aankii dumarka Sucuudiga looga mamnuucay iney gawaarida kaxeeyaan, inkastoo arrintaas ay ka soo hor jeedeen dadka isbaddal diidka ah.
Bishii Oktoobar ee isla sannadkii 2017-kii, amiirka ayaa sheegay in qorshihiisa ugu weyn uu yahay soo celinta “islaam dhexdhexaad ah”, kaasoo uu sheegay inuu qeyb ka yahay qorsheyaasha uu ku casriyeynayo boqortooyada Sucuudiga.
Wuxuu ka dhawaajiyay inuu lacag dhan 500 oo bilyan oo doolar ku maalgalin doono mashruuc lagu sameynayo magaalo cusub oo loogu tala galay ganacsi iyo madadaalo.
Bishii xigtay, wuxuu billaabay howlgal ballaaran oo ay boqortooyada sheegtay iney ku bartilmaameedsaneysay shakhsiyaad ka macaasha musuqmaasuqa, waxayna dad fara badan oo arrimaha Sucuudiga falanqeeya tallaabadaas ku tilmaameen mid uu Maxamed Bin Salmaan isaga hor leexinayay caqabadihii ugu dambeeyay ee ka hor taagnaa inuu si buuxda ula wareegyo maamulka boqortooyada.
Dhowr amiir oo ka tirsanaa qoyska boqortooyada ayaa ka mid ahaa 381 ruux oo lagu xiray howlgalkaas, waxayna kala ahaayeen maalqabeenka lagu magacaabo Amiir Al waliid bin Talaal iyo Amiir Miteb bin Cabdalla oo uu dhalay boqorkii hore ee Sucuudiga.
Bishii Janaayo ee sannadkan 2018-ka, xeer ilaaliyaha guud ayaa sheegay in dadka la xiray ee dambigooda qirtay ay oggolaadeen iney soo wareejiyaan hanti qiimaheeda lagu qiyaasay 400 oo bilyan oo riyaal oo u dhiganta 107 bilyan oo dollar.
Siddeed ruux ayaa bishan Oktoobar wali ku jira xabsiga, waxaana suurtagal ah in la maxkamadeeyo.
Maxamed Bin Salmaan ayaa xariga loo geystay dadka faraha badan ku tilmaamay mid lagu ciribtirayay “kansarka musuqmaasuqa”.
Dadka maalgashiga samaysta ayaa bishii Agoosto ee sannadkan ku baraarugay khilaaf diblomaasiyadeed oo soo kala dhex galay dalalka Sucuudiga iyo Canada.
Arrintaas ayaa timid ka dib markii dowladda Canada ay dhiggeeda Sucuudiga ka codsatay in la sii daayo dad loo xiray arrimo ku saabsan iney u doodeen xuquuqda haweenka.
Xarigga dadkaas ayaa u muuqday mid qeyb ka ah howlgalka ka dhanka ah dadka ka soo horjeeda siyaasadda Sucuudiga.
Maxamed Bin Salmaan oo wareysi bixiyay bishan Oktoobar ayaa difaacay tallaabadaas “Anigu iskuma magacaabin qof baddalaya Sucuudiga, waxaan ahay dhaxal sugaha boqortooyada waxaana isku dayayaa inaan sameeyo wixii karaankeyga ah ee ku aaddan xilkeyga” ayuu yidhi.
Xiggasho: BBC