X
    Categories: Warar

Maxamed Aadan Qabo: Wasiirkii Hore Qorshaynta Xukuumaddii Siilaanyo Oo Sheegay In Murrashaxnimada KLUMIYE Loo Diiday

Mohamed Aadan Qabo

Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)- Wasiirkii hore ee qorshaynta Qaranka Maxamed Aadan Qabo, ayaa ka qayliyay Dimuqraadiyada Xisbiga KULMIYE!, isagoo sheegay in aannu ka jirin tartan Xisbiga dhexdiisa.

Maxamed Qabo, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in loo diido in uu ka mid noqdo siyaasiyiinta hanka leh ee u tartamaya hoggaanka xisbiga KULMIYE, marka la gaadho shirweynaha Lixaad ee Xisbiga oo loo asteeyay horaanta Bisha October 2020.

Siyaasi qabo, wuxuu sheegay in uu doonayay in uu u tartamo guddoomiye ku xigeenka labaad ee KULMIYE isla markaana  doonayay inuu  shubo lacaga lagu xidhay mushariniinta xisbiga hoggaankiisa sare u tartamaya, balse nasiibdaro saaka lagu diiday lacagtii uu xisbiga u shubi lahaa lahaa si uu uga mid noqdo Tartameyaasha.

Wasiirkii hore ee xukuumaddii Axmed Siilaanyo ee KULMIYE Qabo, oo warbaahinta kula hadlay afaafka hore ee xarunta Xisbiga KULMIYE, ayaa sheegay in aanay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ka qabalayn in uu xisbiga cid gaar ah u xidho.

“Libaax laba raq lagama wada kiciyo,madaxweyne Biixi hadii aanu xukuumada ku ixtiraanay ragayagii las oo shaqeeyey ka aqbali mayno inuu xisbiga cid gaara loo xidho, xaq ayaan u leeyahay in aan hogaanka Xisbiga u tartamo xeerka Xisbiga meel ay kaga qoran tahay reer hebel ayaa halkaa leh garan mayno waa ayaan daro wayn oo Xisbigii Kulmiye ku habsatay” ayuu yidhi, Qabo. oo warbaahinta tusay lacagta shuruudaha laga dhigay oo laga qaban waayay, ee uu soo diyaarsaday.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post