X
    Categories: Warar

Madaxweyne Siilaanyo Muxuu Ka Yidhi 55 Guurada 26 Juun Oo Ku Beegan Dhamaadka Mudada Shanta Sanadood Ee La Doortay ?

Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ka hadlay 55 guuradii kasoo wareegtay markii ay Somaliland xoriyadeeda ka qaadatay Mustacmaradii Boqortooyada Britain (United Kingdom) 26 Jun 1960, taas oo ku beegan dhamaadka shan sanadoo oo xilka loo doortay Madaxweyne Siilaanyo 26 Jun 2010 – 26 Jun 2015, markii Madaxweyne Siilaanyo ku guulaystay doorashadii Madaxtooyada Somaliland shan sanadood ka hor.
Dhowaan ayay golaha guurtidu mudo kordhin sanad iyo sideed bilood ah u kordhiyeen xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo golaha wakiiladda oo mudadoodu dhamaanay kadib markii ay suurta gal noqon waayeen inay doorashooyinka Madaxtooyada iyo Baarlamaanku ka qabsoomaan Somaliland xiligii la filayay, balse waxa mudo kordhintaa ka dhashay muran aan weli la ogayn halka uu salka dhigay, iyadoo sadexda xisbi ooh ore ugu gacan saydhay mudo kordhinta guurtida soo saareen heshiish ka duwan kaas oo wax ka bedelaya mudada, balse waxa arrintaa ganafka ku dhuftay golaha guurtida oo isagu leh awooda keliya marka ay doorashooyinku qabsoomi waayaan xiligooda samayn kara mudo kordhin.

Madaxweyne Siilaanyo oo maalmihii lasoo dhaafay safar ku tegey dalka Ethiopia, waxa la weydiiyay waxa laga yeelanyo arrimahaa weli taagan ee muranka, wuxuu sheegay in sharciga iyo dastuurka dalka loo raacayo.

Sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo oo maanta ka hadlayay munaasibada 55 guurada kasoo wareegtay markii ay Somaliland xoriyadeeda ka qaadatay Boqortooyadii Midawdaw ee United Kingdom oo ku beegan dhamaadka shantii sanadood ee hoggaanka iyo talada dalka loo doortay 26 Jun 2010- 26 Jun 2015.

Sidaa awgeed Su’aashu waxay tahay Maxadweyne Siilaanyo Muxuu Ka Yidhi 55 Guurada 26 Juun Oo Ku Beegan Dhamaadka Mudada Shanta Sanadood Ee La Doortay ?
Halkan Ka Daawo Jawaabta Riix

Sababihii Guusha shan sanadood ka hor halkan ka akhri
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post