X
    Categories: Warar

Maxaa Kasoo Kulan Dhexmaray Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Somaliland iyo Safiirka Midawga Yurub

Ambassador Nicholas Berlangab Muxuu ka yidhi Garsoorka  Somaliland ?

 

Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Guddoomiyaha Guddida Caddaaladda Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed iyo Safiirka Midawga Yurub u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Nicholas Berlanga, ayaa kulan ay yeesheen kaga wadahadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin taageerada EU-du siiso Hay’adda Garsoorka iyo bahda caddaaladda Somaliland.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Somaliland, kulankan oo maanta (Arbacada, 15 July 2020) ka qabsoomay xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland ee Caasimadda Hargeysa, waxa kaloo lagu soo hadal-qaaday arrimaha doorashooyinka, iyadoo uu Safiirka Midawga Yurub ammaanay bahda garsoorka Somaliland.

 

Qoraalkan oo faahfaahsan waxa uu u dhignaa sidan; “Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Nicholas Berlanga.

 

Kulanka oo ahaa mid saaxiibtinimo ayaa lagaga wadahadlay arrimo ay ka mid yihiin wada shaqaynta ka dhexaysa Midowga Yurub iyo Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan Hay’adda Garsoorka, waxaana uu Safiirku xusay sida ay Midowga Yurub uga go’an tahay sidii ay u sii wadi lahaayeen taageerada ay siiyaan Hay’adda Garsoorka iyo hay’addaha ay wada-shaqaynta leeyihiin, sida Booliiska, Asluubta, caddaaladda iyo xuquuqul-insaanka.

Guddoomiyaha iyo Safiirka ayaa sidoo kale iska xog-waraystay doorashooyinka isku sidkan ee la filayo in ay dalka ka qabsoomaan.

 

Ugu danbayn, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxa uu uga mahadceliyay Safiirka Midowga Yurub ee Somaliland iyo Soomaaliya doorka shariifka ah ee Midowga Yurub ka gaysto taageerada ay siiyaan Hay’adda Garsoorka Jamhuuriyadda Somaliland, geestiisa Ambassador Nicholas Berlanga waxa uu Garsoorka  Somaliland ku ammaanay doorka muuqda ee ay ku leeyihiin dawlad-wanaagga, caddaaladda iyo xuquuqda aadamaha,” ayaa lagu yidhi qoraalka laga soo saaray kulanka dhexmaray Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Safiirka Midawga Yurub.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post