X
    Categories: Warar

Maxaabiis Laga Qabtay Malayshiyada Col. Caare, Mudaharaadyo Ka Dhacay Burco Iyo Ceergaabo

Badhasaab ku xigeenka Gobolka Sanaag Ismaaciil Cabdi Xasan

Ceergaabo Oo Bandaw Lagu Soo Rogay Kaddib Rabshado  Sababay Khasaare Sababay

Ceergaabo(ANN)- Magaalada Ceergaabo ee xarunta Gobolka Sanaag, ayaa lagu soo rogay Bandaw, kaddib markii ay maanta halkaa ka dhaceen rabshado sababay khasaare.

Dadkaa mudaharaadka sameeyay, ayaa Taayiro ku gubay meelo cayiman oo ka mid ah wadooyinka magaalada Ceergaabo, isla markaana waxay dhigeen dhagxaan, waxayna arrintan dhacday. Kaddib markii Ciidamadda Qaranka Somaliland iyo Malayshiyada uu hoggaamiyo Col. Caare ay  ciidamaddu ka war heleen inay ka gudbayaan deegaanka Dhumay oo 45 KM dhinaca Bari kaga beegan Magaalada Ceergaabo, halkaas oo dagaal saacado socday oo aan si dhab ah loo ogayn khasaarihiisa uu ka dhacay.

“Dadka mudaharadka sameeyay, waxay maqleen wararka dagaalka Ciidanka qaranka iyo Malayshiyadaa dhexmaray oo ay ka cadhoodeen, markii  warar been ah magaalada lasoo geliyay, balse markiiba Culimada iiyo Odayaasha oo masaajidada kasoo baxay ayaa la hadlay, waxaana arrinta gacanta ku qabtay Ciidanka Qaranka oo amaanka Magaalada la wareegay, xaaladuna waa degantahay., waxaana rabshadaa ku dhaawacmay hal qof oo Cusbitaalka la geeyay”sidaa waxa shebekadda Araweelo News Network u sheegay mid ka mid ah dadka Magalaada Ceergaabo oo dhacdadaa goob joog u ahaa.

Dhinaca kale Badhasaab ku xigeenka Gobolka Sanaag Ismaaciil Cabdi Xasan oo galabta warbaahinta la hadlay, ayaa  sheegay in xaaladu degantahay oo Odayaashii iyo Culimadii ay gacanta ku qabteen, sidoo kale, wuxuu ka hadlay dagaalka Ciidanka Qaranka Somaliland iyo malayshiyada Col. Caare, wuxuuna sheegay in maxaabiis laga soo qabatay, isagoo yidhi, “Xaaladu waa degantahay, Odayaasha iyo Culimada ayaa u kacay, “Rabshad yar ayaa dhacday, Ciidanka, ayaa gacanta ku dhigay Odayaasha iyo Culimada ayaa kacay, waana la damiyay.” Ayuu yidhi, Badhasaab ku xigeenka Sanaag.

Ismaaciil Cabdi xasan, Badhasaab ku xigeenka Gobolka Sanaag, waxa kale oo uu ka hadlay dagaalka ka dhacay deegaanka dhummay ee Bariga  Ceergaabo, isagoo yidhi, “waxa is helay Ciidankii Yube ka yimi iyo kuwii Caare watay, maxaabiis ilaa 15 ah, ayaa laga soo qabtay, dhaawacuna waa saddex laba Ciidanka yihiin, ma hayo anigu dhimasho” ayuu yidhi, wuxuuna intaa raaciyay in aanu hada dagaal socon, isla markaana lagu soo roggay Magaalada Ceergaabo Bandow ka bilaabmay 7 Fiidnimo sida uu sheegay Badhasaab ku xigeenka Sanaag.

Sidoo kale Magaalada Ceel-Afweyn oo labadii maalmood ee u danbeeyay dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay ku dhexmaray dadka walaalaha ah ee deegaankaa, ayaa saaka lagu soo rogay bandaw, walaw ay xaaladu degantahay .

Dhinaca kale, waxa mudaharaad kooban oo la xidhiidha dhacdada Ceergaabo maanta ka dhacay qayb ka mid ah magaalada Burco, kaas oo sababay dhaawac laba qof,oo la geeyay Cusbitaalka Carafo. Sida ay waraabinta u xaqiiyeen hawlwadeenada Cusbitaalka Carafa ee Magaalada Burco.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post