X
    Categories: Warar

Maxaa Lagaga Hadlay Xidhiidh Dhinaca Isgaadhsiinta Ah Oo Dhexmaray Madaxweynaha Masar Iyo Madaxweynaha Somalia

Qahira(ANN)Afhayeenka Madaxtooyada Masar Calaa Yuusuf, ayaa xaqiijiyay in Labada hoggaamiye ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynahaa dalka Masar Cabdulfataax Al-SISI xidhiidh dhanka Isgaadhiinta agh oo dhexmaray Todobaadkan kaga wadahadleen xaalada khilaafka Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha Somalia.

Sida lagu baahiyay barta Adeega Warfaafinta Qaranka ee Masar (State Information Serive), dawlada Masar waxay ku baaqday shir muhiim ah, kaas oo yimi kadib markii labada hoggaamiye ee Somalia iyo Masar khadka isgaadhiinta ku wada xidhidiheen, isla markaana wax iska weydiiyeen arrimihii u danbeeyay ee xaalada Somalia.

Wasiirka arrimaha Debedda ee Dalka Masar, Saamix Shukri, ayaa sheegay muhiimada ay leedahay in jaamacadda carabtu ay ka qeyb qaadato dadaalada dhex dhexaadinta dhinacyada khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca hogaanka, sida at qortay wakaaladda wararka Kuwait ee loo soo gaabiyo KUNA.

Warka lagu baahiyay Wakaalada KUNA, ayaa sidoo kale lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Debedda Masar Dr. Saaxim Sidoo kale ku sheegay Bayaan uu soo saaray in cawaaqib xumo ka dhalan karta dhibaatada hadda ka taagan Somalia, taas oo sida uu xusay horseedi karta inuu dib u dhac ku yimaado hannaanka dib udhiska Qaranka Soomaaliya iyo in la gaadho dib u heshiisiin qaran xilliga hiigsiga 2016-ka, isla markaana khilaafku meesha ka saaro himiladda dhameystirka hay’adaha dowliga ah ee Somalia iyo dedaalka Beesha Caalamka.

Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post