X
    Categories: Warar

Maxaa Lagaga Hadlay Shirkii Golaha Wasiirrada Ee Xukuumadda Somalia


Mogadishu(ANN)Khamiis, February 19, 2015—–Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoominayay ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna R/wasaare ku xigeen Mudane Maxamed Cumar Carte. Kulankan ayaa goluhu uga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen sugidda amniga dalka, dagaalka Guriceel iyo sidoo kale dardargalinta howlaha shaqo ee Xukuumadda.

Ugu horeyn, Golaha ayaa warbixin ka dhageystay Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdirisaaq Maxamed Cumar, isaga oo uga warbixiyay dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee ka dhacay dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho, wuxuuna xusay in ciidanka amnigu ay si adag uga jawaabeen dhacdooyinkii caasimadda ka dhacay isla markaana ay gacanta kusoo dhigeen xubno kamid ah kooxihii ka danbeeyay dilalkii ka dhacay Muqdisho, gaar ahaan qaar kamid ah kooxihii ka danbeeyay dilkii saraakiishii ka shaqaynayay Garoonka Muqdisho, waxana ay xubnaha golaha wasiiradu wadajir uga tacsiyeyeen dadkii ku naf waayay weerardii ugu danbeeyay.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa boggaadiyay dadaalka ay sameeyeen ciidamadda ammaanku, waxaana uu sheegay in qorshaha ammaanka wax looga qabanayo uu yahay mid ay ka wada qayb qaadanayaan Ciidamada iyo daweynaha Soomaaliyeed si looga hor tago khatarta ay la imaan karaan kooxaha nabad diidka ah, wuxuna geesta kale mahad celin u jeediyay Ganacstada iyo indheer garadka Soomaaliyeed ee kala dhex galay dhinacyadii ku dagaalamay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

“Waxaan bogaadin u dirayaa dadkii Soomaaliyeed ee isku howlay in ay kala dhex galaay dhinacyadii ku dagaalamay degmada Guriceel, waxaan rabaa in aan bulshada Soomaaliyeed u xaqiijiyo Ciidanka qaranku inuu u taagan yahay ilaalinta nafta iyo sharafta shacabka Soomaaliyeed”ayuu yiri Mudane Maxamed Cumar Carte.

Waa kulanka koowaad ee golaha wasiirrada tan iyo markii ay xilka sida rasmiga ah ula wareegeen, waxa ayna durbaba guda galeen ballanqaadkii ay ku sameeyeey kulankoodii ugu horreeyey, iyaga oo aan xilalkooda la wareegin ee ahaa in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo gudbinayaan qorshaha ay ku howlgalayaan sannadkan hadda socda.
->—Dhammaad–<-

Ridwan Haji Abdiweli
Government Spokesperson
Prime Minister’s Media Office
Mogadishu, Somalia
Tel: +252-616-969-105
Email: media@opm.gov.so
Twitter: @SomaliPM @Ridwaanhaji

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post