X
    Categories: Warar

Maxaa Lagaga Hadlay Shirka Golaha Wasiirada Ee Soomaaliya

Araweelo News Network

Golaha Wasiiradda Somalia Photo file Araweelo News Network

 

Muqdisho*ANN)-Shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiirada Soomaaliya oo shir guddoominayey Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta lagaga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin arrimaha Amniga, Midaynta canshuurta dalka, Qorshaha horumarineed ee qaxootiga soo laabanaya, soo wareejinta astaanta Qaranka ee SO iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa goloha u soo bandhigay warbixin faah-faahsan oo ku saabsan sidii loo midayn lahaa guud ahaan canshuuraha dalka, isagoo qeexay in ay wadaan qorshe lagu midaynayo canshuuraha dalka Soomaaliya. Sidoo kalena waxuu sheegay in ay wasaaradu ku howlan-tahay qaban qaabada shir lagaga doodi doono habka ugu wanaagsan ee loo midayn karo canshuuraha, taas oo ay ka soo qayb-gali doonaan madax ka kala socota Maamul Goboleedyadda iyo dawladda dhexe ee Soomaaliya, si loo sameeyo sharci hagi-doona canshuuraha dalka.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Soomaaliya Cabdinaasir Siciid Muuse, ayaa sheegay in howl-galada ciidanka Qaranku uu meel fiican marayo, dhawaana ay ciidanku deegaano badan ka saareen kooxda nabad diidka ah ee Al-shabaab, haatana wali lagu daba jiro hadhaagooda si dalka oo dhan looga sifeeyo, waxuu kaloo sheegay wasiirku in amniga dalka uu haatan yahay mid aad u fiican la iskuna halayn karo. Dhanka kale waxuu tilmaamay in Madaxwaynaha dawladda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullah Farmaajo uu wado dar-dargalin iyo dhiirigalin dhinaca Ciidanka ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa ka warbixiyay qorshaha horumarineed ee qaxootiga iyo barakacayaasha ku soo laabanaya dalka kuwaas oo tiro ahaan gaadhaya 3,000,000 oo qof ( Sadex Million), si wax loogu qabto sadexda sano ee soo socota. Wasiir Sabriye ayaa cadeeyay in dawladdu ay ku dadaalayso ilaalinta iyo ka warqabka xaaladda dadka shacabka ah ee ku soo laabanaya dalkooda, taasna ay tahay mas’uuliyad saaran dawladda.

Ugu dambayntii Wasaaradda Boostada iyo Isgaadhsiinta ayaa laga dhagaystay warbxin ku saabsan soo wareejinta astaanta Qaranka Soomaaliyeed ee SO, oo si buuxda ay dawladda federaalka ula soo wareegtay. Intaas ka dibna Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa uga mahad celiyay Wasaaradda iyo mas’uuliyiintii Soomaaliyeed ee ka soo shaqeeyay soo celinta mid ka mid ah astaamaha Qaranka Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Maxamed Cabdicasiis Dhuubka
Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidha
Muqdisho, Soomaaliya

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post