X

Maxaa Kasoo Kordhay Ilaalada Madaxweynihii Hore Muuse Biixi?

#Araweelo_News_Network

Hargeysa (ANN)-Xukuumadda Madaxwwyhe Cabdiraxmaan Cirro ayaa ku wargelisay ciidamo uu Madaxweynihii hore ilaalo ahaan u kaxaystay inay kasoo xaadiraan Qasriga  Madaxtooyadda.

 

Ma jiro war rasmi ah oo xukuumaddu kusoo saartay amarka  Ciidankii Ilaalada Madaxwayne Muuse Biixi

Balse wararka qaar ayaa sheegaya in lagu amray innay Xeryahoodii kusoo Xeroodan.

Arrintan ayaa kusoo beegantay , iyadoo dhowaan Madaxweynaha cusub ee Somaliland  Cabdiraxmaan  Maxamed Cabdullaahi  (Cirro) uu shaaciyay Guddida dib u habaynta ciidamada oo uu Magcaabay, kuwaas oo uu kulan la yeeshay maalmihii u danbeeyay markii uu kasoo laabtay safarka dalka Imaaraadka Carabta UAE.

 

Wararka la xidhiidha Ilaalada Madaxweynihii hore Muuse Biixi in looga yeedhay waxa la sheegay innay ka timi Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Khadar Xuseen Looge oo Taliyaha ciidanka Madaxtooyadda Axmed Cali Maygaag ku Amaray in ilaalada madaxwaywaynihii hore Somaliland Muuse Biixi ee qaabilsan amaanka Madaxwaynaha Hooygiisa lagu Amray in dhammaantood  kusoo xaadiraan Qasriga Madaxtooyadda Jamhuuriyadda  Somaliland .

Madaxweynihi hore oo dhowaan ka dhoofay  Madaarka Hargeysa ayaa la arkayay baabuur dhawr ah oo gelbinaya, kuwaas oo mid ka mid ah oo uu saarnaa la arkayay isagoo diyaaradda hoos taagan, taas oo dhalisay su’aalo iyo doodo la xidhiidha amniga Madaarka, iyadoo aan la ogayn sababta.

Dhinaca kale. Madaxwayna yaashii ka horeeyey madaxwayne Muuse Biixi ayaa loo qoondeeyaa ilaalo kooban, iyagoo si xor ah ugu nool dalkooda, isla markaana aan la arkin dhaqdhaqaaq dheeraad oo la xidhiidha marka ay dalka ka baxayaan iyo marka ay kusoo laabanayaan, balse dhawr ka mid ah ilaalada loo qoondeeyay u joogaan guryahooda.

Madaxweyne Daahir Rayaale oo isagu nool ayaa weli haysta ilaaladoodii loo qoondeeyay, Laakiin ilaaladu maaha kuwo ka baddan dhawr qof oo aannay ku jirin Gaadiid gaashaaman iyo Hub culus midna, waxaana inta baddan uu si caadi ah dalka uga baxaa, ama uga soo degaa Madaarka Hargeysa, isagoo aan ka muwaadiniinta ka dhoofaya amama kasoo degaya Madaarka Hargeysa.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post