X
    Categories: Warar

Maxaa Kasoo Baxay Wefdi Uu Hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Djibouti Oo Kulan Albaabada Loo Xidhay La Yeeshay Madaxweynaha Somaliland

Araweelo News Network

Wasiiradda Arrimaha Gudaha Somaliland iyo Djibouti

Hargeysa(ANN)Wefdi uu hoggaamiyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Dalka Djibouti Xasan Cumar Maxamed Burhaan oo ay weheliyaan taliyaha guud ee ciidamada booliska Djibouti gaashanle sare Cabdilaahi Cabdi Faarax, taliyaha laanta socdaalka Cabdiqaadir Ibraahim Gona iyo sarkaalka madaxa la dagaalanka iyo ka hortaga argagixisada caalamiga ah Cilmi Daahir iyo xubno kale, ayaa maanta booqasho deg deg ah ku yimi Somaliland.

Wefdiga Djibouti, waxay kulan albaabada loo xidhay la yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo Xafiiskiisa ku qaabiley Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Dawladda Jabuuti oo martiqaad rasmi ah ka helay Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Safiirka dhawaan loo magacaabay Djibouti in uu u fadhiyo Somaliland, Amb. Cabdifataax Siciid Axmed.

wefdiga Djibouti


Kulanka Madaxweynaha ay la qaateen weftigu waxa uu xambaarsanaa sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo jamhuuriyadda Jabuuti, iyadoo Wasiirka Arrimaha gudaha jabuuti uu madaxweynaha Somaliland, mudane Axme Maxamed Silaanyo soo gaadhsiiyey Fariin uu madaxweynaha Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle u soo dhiibay, madaxweynaha Somalilandna uu ka gudoomay.

Markii kulankaasi laga soo baxay waxa saxaafadda si wada jira ula hadlay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, Mudane Xuseen Aadan Cige (Deyr), Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland, Mudane Yaasiin Faratoon iyo Wasiirka Arrimaha Dibeda Jabuuti, Mudane Xasan Cumar Maxamed Burhaan.

Afhayeenka madaxtooyada Somaliland mudane, Xuseen Aadan Cige (Deyr) ayaa warbaahinta faahfaahin dheeraad ah ka siiyey weftigan miisaanka culus ee ka socday dalka Jabuuti oo Somaliland soo gaadhay, iyadoo uu weftiga hogaaminayey wasiirka arrimaha guddaha Jabbuuti mudane, Xasan Cumar Maxamed Burhaan.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Axmed Maxamed Siilaanyo iyo golaha xukuumadda, golayaasha qaranka waxa sharaf, maamuus iyo karaamo u ah in ay maanta halkan booqasho ku yimaadan wefti culus oo uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha ee Jamhuuriyadda Jabbuuti, dalka aynu walaalaha nahay Xasan Cumar Maxamed Burhaan, weftigaa waxa kale oo ka mid ah taliyaha guud ee ciidamada booliska Jabbuuti mudane gaashanle sare Cabdilaahi Cabdi Faarax, waxa kale oo isna ku jira taliyaha qabtay socdaalka Cabdiqaadir Ibraahim Gona, waxa kale oo ka mida madax la dagaalanka iyo ka hortaga argagixisada caalamiga ah Cilmi Daahir, waxa kale oo ku jira la taliyaha wasiirka arrimaha gudaha Cabdiqaadir Fathi.

Weftiga waxa halkan kaga soo horeeyey oo fadhigiisu yahay safiirka Jamhuuriyadda Jabbuuti u fadhiya Somaliland mudane Xuseen Cumar Kawaliye. Guud ahaan booqashadani waxay daba socotay wefti ka socda wasaaradda arrimaha gudaha oo uu hogaaminayo agaasimihii guud ee hore ee wasaaradda arrimaha gudaha imikana ah safiirka magacaaban ee Somaliland u fadhiya Jabbuuti balan uu ka soo sameeyey xukuumadda Jabbuuti oo ah in 14-ka bisha oo maanta ah inay halkan Somaliland noogu yimaadan booqasho way fuliyeen, aniga oo afka madaxweynaha ku hadlaya iyo afka xukuumaddaba waxa aan uga mahad naqayaa walaaladay weftigaa qiimaha badan leh ee ay halkan noogu yimaadeen.

Madaxweynaha waxay u gudbiyeen salaan ay uga sidaan madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabbuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyaga oo hoosta ka xariiqay sida madaxweynuhu u danaynayo wada jirka, walaaltinimada iyo wax wada qabsashada labada Jamhuuriyadood, madaxweyne Axmed Siilaanyo laftiisuna wuxuu wasiirka iyo xubnaha kale u furay inay salaan diiran ka gaadhsiiyaan madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle; sidaas daraadeedna la dardar galiyo wixii dadka ka dhexeeya.

Geesta kale waxa isna halkaasi ka hadlay wasiirka arrimaha gudaha Jabbuuti “Walaalayaal nin Canfara ayaan ahay oo Afsoomaali ayaan ku hadli hadaan qaldo iga raali ahaada. Aniga iyo weftigaygu waxa aanu u nimi arrin weyn oo sida aad u garanaysiin Jabbuuti iyo Somaliland laba dal oo walaalo, laba shacbi oo walaal ah, shacbi ahaan taariikh weyn…. Markaa farriin ayaanu u keenay madaxweynaha, farriinta madaxweynihii ayaan u dhiibnay oo saxaafadu ma leh oo xagan kama sheegayo, laakiin waxa aanu u nimi dhul ahaan in aanu xuduudka labada dal si fiican u xoogayno; walaalayaal mushkilad way dhici karta laakiin mushkilada rag ayaa u joogbaa xaliya, dhul kasta way ka dhacdaa mushkiladu laakiin mid ogaada in aanu nahay laba dal oo aan kala maarmin”

Wasiirka arrimaha guduhu wuxuu intaas ku daray in sida Somaliland u casuuntay ay iyaguna dhankooda casuumad tan oo kale ah u fidin doonaan, waxaanu intaas ku daray “Aniga madaxweynuhu si fiican ammar-buu siiyey inaa si fiican u xoogayno xidhiidhkeena”

Ugu dambayna waxa halkaa ka hadlay wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Mudane Yaasiin Faratoon oo ay hadaladiisa ka mid ahaayeen “waxa aanu soo dhawaynaynaa weftiga ka socda jabuuti kulankii ay madaxweynaha yeesheena waxa uu ahaa mid lagu soo qaaday arrimaha labada dal wixii tafaasiil ah ee dheeraadana waxaanu ka wada hadli doonaa oo shirar danbe ayaanu leeyahay weftigu intay dalka joogaan”

Weftigu markii ay soo gaadheen dalka waxa ay soo kormeereen xarunta dab-damiska Caasimada Hargeysa, waxaana halkaasi warbixin ku siiyey taliyaha guud ee ciidanka Dab-damiska Somaliland gashaanle sare Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili), waxaanay weftigani inta ay ku sugan yihiin Somaliland la filayaa inay kulamo muhiima la qaataan wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post