X
    Categories: Warar

Maxaa Kasoo Baxay Shirweynaha Saddexaad ee Qurbajoogga Somaliland oo la soo Gunnaanaday

Araweelo News Network

Hargaysa (ANN)Shirweynihii saddexaad ee Wakaaladda Qurbajoogga Somaliland oo lagu qabtay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa la soo gunnaanaday shalay.
Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Wakaaladda Qurba-joogga Somaliland, kana qaybgaleen qurba-joog fara badan oo isaga kala yimi qaaradda adduunka oo dib ugu soo laabtay dalkooda hooyo ee Somaliland, waxa muddo laba maalmood ah oo uu socday lagu gorfeeyey kaalinta qurba-jooggu ku leeyihiin horumarinta waddanka, ololaha ictiraaf-raadinta iyo maalgashiga dalka Somaliland u baahan yahay.
Qodobada ugu muhiimsan ee doodaha iyo wadahadalka lagu soo qaaday shirka waxa ugu waawaynaa; sidii loo midayn lahaa qurba-joogta reer Somaliland oo loo sameeyo dallado mideeya iyadoo laga bilaabayo waddamada iyo qaaradaha ay kala joogaan, sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka jaaliyadaha kala duwan ee qurba-joogta, sidii loo dhiirrigelin lahaa maalgashiga qurba-joogtu ku samaynayaan dalkooda hooyo, isla markaana waxa qurba-joogta loo soo jeediyey inay ka qaybgalaan dadaallada horumarineed ee dalka, soona bandhigaan wixii caqabado ay u arkaan ee jira. Waxa kaloo lagu dheeraaday talooyin iyo dardaaran qurba-joogta loo soo jeediyey in ay xoojiyaan ka qaybgalka siyaasadda arrimaha dibadda iyo aqoonsi-raadinta madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee beesha caalamka.
Guddoomiyaha Wakaaladda Qurba-joogga Somaliland Mr. Cabdi Cabdillaahi Xirsi oo ka hadlayey shirka, waxa uu sheegay in wakaaladdu ku tallaabsatay horumar ballaadhan muddadii ay jirtay, iyadoo ay sameeyeen xeerka Wakaaladda Qurba-joogga oo hadda horyaal golaha wasiirrada si ay u ansixiyaan, isla markaana ay si wayn u dhiirrigeliyeen wadashaqaynta jaaliyadaha reer Somaliland ee qurbaha.
Gunnaanadka shirweynahan oo ay khudbado ka jeediyeen Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dr. Sacad Cali Shire iyo Wasiirka Ganacsiga Xuseen Aadan Cige (Dayr), waxay ugu baaqeen qurba-joogta inay dalkooda maalgashadaan, isla markaana aqoonta ay dibadda ku soo barteen uga faa’iideeyaan dalkooda.
Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Md. Xuseen Cabdi Ducaale iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed Kayse) oo ka qaybgalay furitaankii shirweynahan, ayaa ka hadlay muhiimada qurba-jooggu u leeyihiin dalka oo ay ku tilmaameen mid faa’iido wayn ah marka la qiimeeyo waxtarka ay soo kordhiyeen.
Waxa kaloo ay ugu baaqeen qurba-joogga inay kala shaqeeyaan dawladda hawlaha horumarka, aqoonsi-raadinta, maalingalinta dalka oo ay xoogga saaraan mashaariic wax-soo-saarka kobciya.
Markii shirku soo xidhmay waxa qurba-jooggii ka qaybgalay ay booqdeen Maktabadda Qaranka oo dhismaheedu hadda gabogabo ku dhaw yahay, taas oo qurba-joogu door ka qaateen hirgelinteeda.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post