X
    Categories: Warar

Maxaa Kasoo Baxay Shirkii Madaxda Maamul Gobolleedyada Soomaaliya?

Galguduud(ANN)-War-murtiyeed kasoo baxay shirka maalmahan ka socday Magaalada Dhuusmareeb ee xarunta Gobolka Galguduud oo ku taal Badhtama Soomaaliya, ayaa lagaga hadlay qodobo hordhac ah oo ka hadlaya doorashada Soomaaliya.

 

Go’aamada hordhaca ah, ayaa lagu sheegay in doorashadu ku qabsoonto xilligii loo qorsheeyay, iyadoo la xusay in aannay doorashada  uu tilmaamayo Dastuurka Dawladda Federaalka ee Hal qof iyo Hal cod (One Person One Vote), aannay xilligan ka dhici karin Soomaaliya, sidaa awgeed loo baahanyahay in laga wadatashado qaabka ay noqonay doorashada, isla markaana laga wada qaybgeliyo kooxaha siyaasada.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda dawladda Federaalka ah Yuusuf Garaad Cumar oo akhriyaya war-murtiyeedka kasoo baxay shirka Galguduud. 13 July 2020, Araweelo News Network.

War-murtiyeedka kasoo baxay shirkaa, waxa saxaafada u akhriyay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda dawladda Federaalka ah Yuusuf Garaad Cumar, waxaana sidoo kale lagu xusay in la qabanayo shir kale oo ka dhaca Magaalada Dhuusamareeb, iyadoo loogu baaqay in xukuumadda Dawladda Federaalka ah ay ka qaybgasho si laysula meeldhigo arrimaha muranku ka taaganyahay ee doorashada.

 

Madaxweynaha maamul gobolleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), ayaa martigelinayay shirkaa oo ay ka qaybgaleen hoggaamiyayaasha maamul goboleedyada Soomaaliya, wuxuuna kusoo beegmay maamlo kadib markii Guddida Doorashooyinka Soomaaliya si cad u sheegeen in aannay suurtagal ahayn in la qabto doorashooyin xilligan, iyadoo Dawladda Federaalka markaa kadib iclaamisay in shir lagaga tashanayo arrimaha doorashada lagu qabto Magaalada Muqdisho, balse madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya, ayaa ganafka ku dhuftay, isla markaana sheegay  in aannay ka qaybgelayn shir lagu qabto Muqdisho, taas oo ay sabab u ahayd khilaafka ka dhexeeya dawladda Federaalka ah iyo kuwa ugu cad-cad hoggaamiyayaasha maamul goboleedyada oo si weyn isugu khilaafsan arrimaha doorashada, isla markaana aannay qaarkood isu san bannaanayn dhanka siyaasada.

 

Halkan Ka Akhri War-murtiyeedka:-

 

AKHRI: Ajandaha Qarsoon Ee Shirka Maamul Gobolleedyada Soomaaliya, Dhawaaqyada Madaxweyne Farmaajo Iyo Ra’iisal Wasaare Khayre Ee Dhaliyay Dooddaha

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post