X
    Categories: Warar

Maxaa Kasoo Baxay Shirkii Hoggaamiyayaasha IGAD Ee Muqdisho

Araweelo News Network

Mogadishu(ANN)Shir madaxeedka urur goboleedka IGAD oo ay ka soo qeyb galeen qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha dalalka Kenya, Itoobiya ,Uganda, iyo madaxweynaha martida loo ahaa Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha dalka Djibouti oo isna la filayay inuu shirka yimaado ayaa ka baaqday ka dib markii diyaaraddii uu la socday ay cillad ku timi, taas oo ka laabatay garoonka, Sidoo kale Madaxweynaha Suudaan Cumar Al-Bashiir ayaan ka qaybgelin shirkaa.

Madaxda IGAD ayaa soo dhoweeyay dadaalka mala-awaalka ay Soomaaliya ugu jirto in doorashooyin ay dalka ka qabsoomaan todobaadyada soo socda. Sidaa awgeed IGAD ayaa ugu baaqday ciidammada AMISOM inay sugaan ammaanka doorashada.

”Meeshii aan la rabnay Soomaaliya wali ma gaadhin, balse waxaan ku kalsoonnahay in dadaallo dheeraad ah ka dib ay dalkan u suurtogali doonto in xasillooni buuxda ay ku soo laabato”, sidaa waxaa yidhi Ra’iisal wasaaraha dalka Ethiopia, Hailemariam Desalegn oo ah guddoomiyaha IGAD.

War murtiyeed ay madaxdu soo saareen oo ka koobnaa 22 qodob ayaa ku baaqay in si deg deg ah lagu soo gabagabeeyo maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Hanaanka maamul u sameynta goboladaasi ayaa waxaa dhawaan la wareegay urur goboleedka IGAD.

Muuqaalka shirka Madaxda IGAD ee Muqdisho


Shirkan oo ahaa shirkii ugu horreeyey ee lagu qabto Somalia tan iyo markii la aasaasay sanadkii 1986, waxa la filayay in Sabtidii lasoo dhaafay la qabto, balse sababo aan la cayimin ayaa dib loogu dhigay, waxaana shalay uu ka dhacay hoteel aad loo ilaaliyo oo ku yaalla agagaarka garoonka Aadan Cadde, waxaana la xidhay muddo shan maalmood ah waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, taas shacbiga ku keentay dhibaato, iyadoo xidhitaanka waddooyinku kusoo beegmay xili lagu jiray diyaar garawga Ciidal Adxa.

Madaxweynaha Kenya Uhuro Kenyata oo muqdisho yimi


Dhinca kale markii shirku dhaamaaday waxay Madaxda Somalia iyo Kenya yeesheen kulan gaar ah oo ay kaga wada hadleen arrimaha xayiraada qaadka ka iman jiray Kenya oo dib loo fasaxay iyo xidhiidhka labada dal iyo arrimaha Qoxootiga ku sugan Dhadhaab.
admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post