X
    Categories: Warar

Maxaa Kasoo Baxay Shirkii Golaha Wasiiradda Somaliland

Araweelo News Network

Hageysa(ANN)Fadhigii 191aad ee Golaha Wasiirada Somaliland oo uu gudoominaayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta oo khamiisa sidii caadada ahayd ku qabsoomay hoolka shirarka ee Madaxtooyada kulankaas oo lagu Ansixiyey in Laamaha Dawladda laga jaro qaadhaan lagu kaabo xaalada abaaraha ee dalka ka jira.

waxaana shirku xooga aad u saaray qodobka abaaraha oo wakhtigan taagan madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna gudoomiyaha Guddida Abaaraha oo madaxweynaha shirka ku wehelinaayey, ayaa warbixin ka jeediyey shirkaas isagoo xusay in ay abaarihii sii baahayaan oo ay ku fidayaan dhul aanay hore u gaadhin oo horleh, hadii aan degdeg raxmaadka ilaahay inoogu imana ay arrintu sii adkaanayso, sidaasi awgeedna loo baahan yahay gurmad degdeg ah in loo galo waxka qabashada xaaladaa abaaraha, waxna loo gaadhsiin lahaa dadkaa iyo Duunyadaa tabaalaysan.

Madaxweyne ku xigeenku waxa kale oo uu sheegay in ay durba soo xeroodeen qaadhaan ka yimid shirkadaha ganacsiga ah ee wadanigaa qaarkood, halka kuwo kale oo shirkadaha ganacsiga ahna uu qaadhaankoodu jidka ku soo jiro dhawaana ay filayaan.

Falanqayn dheer iyo xog waran ku saabsan xaalada abaaraha ka dib waxa laysla qaatay goaamadan qadhaan ururintaa oo ay golaha wasiiraduna cod gacantaag ah ku ansixiyeen.

In Xubnaha Saddexda golle Qaran ee Dalka iyo Madaxda Hayaddaha Dawladda ee Madaxa banaan ay bixiyaan 20% Mushaharkooda oo loo kala qaybiyo labada bilood ee February iyo March 2016.
In shaqaale weynaha Dawladda laga jaro 10% Mushaharkooda sidoo kalena loo qaybiyo labada bilood ee February iyo March 2016.
Ciidamada kala duwan ee qaranka in laga jaro 5% Mushaharkooda loona qaybiyo labada bilood ee February iyo March 2016.

ALLAA MAHAD LEH
Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post